arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Abeeso Labo Madax & Labo Wadno Leh oo Saynisyahannada Layaab Gelisay

 

Muuqaal Video ah oo lasoo duubay ayaa muujinaya abeeso yar oo Labo isbuuc oo qura jirta, waxay ku dhalatay gudaha dalka Mareykanka iyadoo Labo madax leh, dhaqaaqeedu mid isla jaanqaadmaya aanuu ahayn, dhacdo aad uga yaabisay khubarada Sayniska.

Qof dhaqda abeesooyinka ayaa dhakhaatiirta xoolaha u keenay, waxaa laga qaaday sawir raajo ah, waxaaney ogaadeen iney Labo wadno leedahay, waxayna arrintaasi layaab ku sii noqotay dhakhaatiirta.

Lauren Thielen DVM oo dhakhtar xooleed ah ayaa tiri: “Waxaan hubsaneynaa iney abeesadani tahay mataan hal jir ku wada sameysan. Haddii ay taasi caddaantana waa arrin cajiib ah.”. sidaa darteed waxay dooneysaa iney sii waddo daraasadda abeesadaa, si loo ogaaday iney leedahay labo habdhis dheefshiid, hadii la arko iney habdhiska dheefshiidkeed qura leedahay, waxaa loo badinayaa inaaney muddo dheer sii noolaan karin. 

Maandeeq FM

Related Articles

Close