WararkaWaxbarashada

Xagay Ku Taallaa Maktabadda Ugu Weyn Adduunka?

 

Caasimadda Indonesia ee Jakarta ayaa waxaa furan maktabadda ugu weyn aadduunka dhanka tirada dabaqyada ay ka kooban tahay oo gaarya ilaa 24-dabaq, waxaa yaalla malaayiin buugaag ah oo qoraallo facweyn oo muhiim ah ay ku jiraan.

Maktabaddan ayaa waxa uu dhirirkeedu gaarayaa 124-mitir, waxay ku jirtaa dhisme casir ah oo si heersare ah loo diyaariyay, dariishadaheeda waxaa laga daawan karaa muuqaallo soo jiidasho leh oo magaalada Jakarta ka tirsan.

Maktabaddan ayaa waxa yaalla 4-milyan oo buug oo ay ka mid yahiin 12-kun oo buug oo la qoray Qarniyadii 14, 16, 18aad.

Maktabaddu waxay leedahay qolol gaar ah oo wax lagu akhristo, goobo wax lagu daawado, meel ay caruurtu ku ciyaaran. Qolol gaar ah oo loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah, waxaa halkaa ugu diyaarasan buugaag u gaara iyo dhageysi marka ay u baahdaan.

Madaxa maktabaddan  Agus Sutoyo oo la hadlay wakaaladda wararka Anatolia ayaa yiri: “Maktabaddan waxaa la aasaasay 1980, laakiin kordhinta tirada buugaagta ayaa keentay in dhisme cusub loo baahdo.”, waxa uu xusay in dhismaha maktabadda uu yahay kan ugu wayn adduunka marka laga eego dhanka tirada dabaqyada ay ka kooban tahay. Waxaa booqda isbuucii dad celceliskiisu gaarayo 7-kun oo qof.

Maandeeq FM

Related Articles

Close