WararkaWaxbarashada

Abaalmarinta Caalamiga ah ee Kuwait “Tartanka Qur’aanka Kariimka ah” oo Xilliga La Qabanayo Lagu Dhawaaqay

 

 Wasiirka Cadaaladda ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sucuudiga la-taliye sare Dr. Fahad Al-Cafaasi ayaa Talaaladii shalay ku dhawaaqay  in April 10, la qaban doono abaalmarinta Kuwait ee Caalamiga ah ee “Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah”, sanadkan waxaa taabagelinaya amiirka Kuwait Sheikh Soubah Al-Axmed Al-Soubah.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Kuwait ee “Kuna”, abaalmarinta ayaa danta laga leeyahay ay tahay in Ummadda Islaamka iyo dadka Carabta ah lagu baraarujiyo qiimaha Qiraa’aadka Qur’aanka, In la sharfo kaalinta culumada, in dadka lagu dhiirrigeliyo xifdiga Qur’aanka ayna bartaan culuumtiisa iyo in la soo saaro Qurraa’ cusub oo Qiraa’aadka kala duwan ku wanaagsan oo heer caalami ah.

Wasiir Fahad, waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, abaalmarinta waxaa kale oo looga golleeyahay in la tartamo si wanaagsan loogu tartamo xifdinta Qur’aanka, in la dhiirrigeliyo iney dadka si ay  wakhti badan u geliyaan Qur’aanka, dhalinyaradda Ummadda loosoo jiido dhanka Qur’aanka iyo in la dareensiiyo qiimaha sare ee uu leeyahay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in sanadkan ay dad badani ka qaybgeli doonaan, si faa’iidadu u gaarto tirada ugu badan ee xaafidiinta ah, dowladaha kala duwan ee dunida.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close