CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Ka Digaysa Isticmaalka Antibiotics-ka.. Cimridegdeg Ayaa Laga Dhaxlaa

 

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday ayaa sheegaysa in antibiotics ay khatar ku yihiin aadanaha gaar ahaan dadka 60-jirka ah oo ay u keento 27% geeri xilli hore ah iyo cimridegdeg.

Halkii mar ee laguu soo qoro dawo Antibiotic ah waxa uu yareeyaa bakteeriyada saaxiibka la ah aadanaha, in u dhiganta istcmaalka bakteeriyadaa ee muddo sanad ah, arrintaas oo keenaysa in difaaca jirku uu si xoog ah iskugu dhimo, dhibaatooyin dhanka habdhiska dheefshiidka ahna wuu u keenaa.

Daarasaddan oo ay sameysay Jaamacadda Toulan ee gobolka New Orleans, ayaa waxaa lagu muujiyay in isticmaalka Antibiotics-ka muddo Labo bilood ah ay kordhiso khatarta geeri 27%.

Daraasaddan oo lagu faafiyay joornaalka M-Pio, ayaa lagula socday xaladda 37 kun oo dumar ah oo da’da 60 ku jira. Cilmibaarayaasha waxaa u caddaatay saameynta taban ee antibiotics-ku ay leedahay iney sii jirayso sanad kadib markii cunistiisa la iska joojiyo. Khalkhalka ay keento bakteeriyda ayaa dhaliya khatar caafimaad iyo cudurro wakhti dheer raadkoodu sii jiro oo geeri degdeg ah sababi kara.

Maandeeq FM

Related Articles

Close