WararkaWaxbarashada

Iskuul Finland ah oo Shaqaaleysiiyay Macallimiin Robot ah

 

Elias, waa macallin Luqadaha ah oo ka tirsan Iskuulka hoose ee Finnish primary school, ardaydu kama daalaan kusoo celcelintiisa casharka, dhibaatana kuma qabaan iney su’aalo waydiiyaan, mararka qaar way la ciyaarayaa.. Elias waa robot aadanaha loo ekaysiiyay.

Waxaa isla shaqeynaya robotka, app mobile-ka loogu shubay ardayda, waxaanuu ka mid yahay 4 qalab oo si tijaabo ah loogu keenay iskuulka Finnish oo ku yaalla gudaha magaalada Tampere ee Koonfurta Finland.

Robotkan waxa uu fahmi karaa 23 Luqadood oo uu ku hadli karo dhammaantood, waxa uu leeyahay barnaamij uu ku fahmi karo su’aalaha ardayda, waxa uu ku dhiirrigeliyaa waxbarashada. Laakiin tijaabadan hadda waxa uu ku hadlayaa luqadaha English, Finnish iyo German oo qura.

Qaar ka tirsan macallimiinta oo la-falgalay teknoolajiyaddan cusub ayaa sheegaya iney tahay hab cusub oo ardayda waxbarashada looga qaybgalin karo.

Macallin Riika Kolunsarka oo la hadashay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay: “Waxaan aaminsanahay in fikaradda guud ee manhajka cusub ay tahay in ardayga laga qaybgaliyo waxbarashada, la-dhiirrigaliyo lagana shaqeysiiyo. Elias waxaan u arkaa inuu yahay qalab howlo fabadan loo adeegsan karo gudah goobta waxbarashada.”

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Waxaan arkaa in robot loogu shaqeeyo si la jaanqaadi karta manhajka cusub, waxaa macallimiinta laga rabo ayaa ah inaan u furfurnaano oo aanan dhibaato u arkin.”

Danta laga leeyahay Elias ayaa ah in tayada waxbarashada kor loogu qaado, iskuulkan ayaa shaqaaleeyay macallin Luqadaha ah iyo saddex macallin oo dhanka xisaabta ah oo robot ah kana howlgalaya gudaha iskuulka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close