WararkaWaxbarashada

Shirkadda Apple oo Soo Kordhisay Adeeg Cusub oo Macallimiinta u Suurtaggalinaya Iney La Socdaan Horumarka Waxbarasho ee Ardayda

 

Shirkadda Apple ayaa ku dhawaaqday adeeg cusub oo macallimiinta u gaar ah oo la yiraahdo “Schoolwork“, kaas oo macallimiinta u ogolaanaya iney Layliyo kala duwan u diraan ardayda si sahlan.

Adeeggan ayaa looga dhawaaqay shirweynaha Apple oo dhawaan qabsoomay, macallimiinta waxay qori karaan fiirooyin gaar ah, PDF ayay ardayda u diri karaan iyagoo adeegsanaya qalaba iPad.

Adeeggan cusub ayaa si wanaagsan u ilaalinaya xogta ku kaydsan oo cidda daalacan karta oo qura waa macallimiinta, halka horumarka ay ardaydu sameynayaan lagala soconayo.

Adeeggan ayaa si rasmi ah loosoo dayn doonaa Juun-ta soo aaddan, waxaa macallimiinta la siinayaa wakhti ay shaqada adeeggan ku fahmaan kadib sanad dugsiyeedka cusub ayuu si rasmi ah ula jaanqaadayaa oo si rasmi ah loo sii daynayaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close