arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waa Kan Midabka Ugu Soo Jiidashada Badan Ragga iyo Dumarka

 

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Rochester ee dalka Mareykanka ayaa sameeyay daraasad midabka ugu soo jiidashada badan ragga iyo dumarka.

Professor Andrew Elliot oo ahaa madaxii daraasaddan oo la hadlay wargeyska personality and Social Psychology ayaa sheegay in dumarka iyo raggu si isku mid ah iskugu dayaan in midba midka kale soo jiito.

Midabka casaanka ah, dumarku waxay ku eegaan inuu yahay midabka hoggaanka. Halka ragguna ay u arkaan labiska casaanka inuu yahay midab awoodeed, kana tarjumaya horumarkooda dhanka shaqada.

Raggu markay labiska casaanka ah dumarka ku arkaan waxa uu uga dhigan yahay mid soo jiidasho leh, waana sida ay caddeynayso Mutation DNA-da.

Hadaba, midabka casaanka ah ayaa ah kan ugu soo jiidashada badan ragga iyo dumarka, sida daraasaddan lagu ogaaday.

Khubaradu horey ayay iskugu dayeen iney farta ku fiiqaan midabka ay dadka intooda badan cajabgeliya, waxay ogaadeen in midabkaasi yahay kan biyaha Badweynta.

https://twitter.com/WorldAndScience/status/960468241415049216

Maandeeq FM

Related Articles

Close