arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Booliska Mareykanka oo Xabsiga u Taxaabay 200 oo Diiq!

Booliska Mareykanka ee gobolka Arkansas ayaa qabtay xabsigana u taxaabay 200 oo diiq oo ka qeybgalayay tartan musaaracada doorooyinka ah oo ka dhacay magaalo ka dhisan gudaha Mareykanka.

Tartanka ayaa ka dhacay magaalada De Quinn, waxaa loo xiray si caddeyn ay ugu noqdaan booliska dambiga dadkii galay gudaha maxkamaddana loogu caddeeyo.

Digaagadahan ayaa waxaa ilaalin doona maxaabiista gaar ah ee kalsoonida haysta dhaqan wanaaggana lagu bartay. Mushkilad ayayse ku noqdeen xabsiga kadib markii cabasho ay soo gudbiyeen shirkadaha gacansiga ah ee xabsiga ka agdhow oo dhawaaqooda xamili kari waayay.

Isla howlgalkan, boolisku waxay gacanta kusoo dhigeen 137 qof oo ku eedaysan iney diyaarinayeen tartamada musaaracada diiqda oo 86 qof ay si toos ah u eedaysan yihiin, inta kalena ay yihiin dadkii usoo daawashada tagay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close