arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Carrabbaab Ka Dhacay Wasiirka Caafimaadka Faransiiska oo Kiciyay Mawjado Qosol ah Gudaha Baarlamaanka

 

Wasiirka caafimaadka Faransiiska ayaa sabab u noqday in lagu maadaysto Arbacadii gudaha Baarlamaanka, kadib markii afkeeda uu kasoo baxay eray aaney aaney ku-talaggal u dhihin oo carrabbaab ah, waxay baarlamaanka ku tilmaantay inuu yahay: “Marwooyin iyo mudanayaal Howlgabka ah”, halkii ay oran lahayd  “Marwooyin iyo mudanayaasha Baarlamaanka.”

Carrabbaabka ka dhacay Wasiirka Caafimaadka Ms Agnes Buzyn ayaa qosol ka dhaliyay gudaha baarlamaanka, waxay ka jawabaysay su’aal laga waydiiyay dhibaatada faqriga ah ee haysatay shaqaalaha Beeraaleyda howlgabka ah ee jasiiradda Martinique.

Qosolka ayaa qabsaday hoolkii shirarka baarlamaanka xitaa waxaa is hayn kari waayay xubnihii xukuumadda ee ay wasiirka wada socdeen.

Carrabbaabka noocan oo kale ah ayaa warbaahinta aad u soo jiita, waa ilbiriqsi la iska iloobo khilaafka siyaasiga ah, maadama wax lagu midaysan yahay ay meesha yaallan oo ah sanbirixasho cid kasta ka dhici karta.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close