JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Sideed Uga Adkaan Kartaa Cododka Dhaliisha ah ee Maskaxdaada Ka Dhex Guuxaya

 

Waxaa jira dhaqan dhibaato badan inteenna badan si joogto ah inoo ugaarsada, waa inaan dhageysanno codka dhaliisha ah ee maskaxdeenna ka dhex guuxaya nafteenana aan u haynno. Codkaasi ha noqdo mid daba socda dhaliil hore laguugu soo jeediyay ama baqdin iyo shaki aad adiga naftaada ka qabto. Cilmibaarayaashu waxay leeyihiin in afkaartaa taban(negative) ah ee  maskaxdeenna kusoo noqnoqdaa ay noo keeni karaan niyad-jab iyo inaan dadka ka dhex baxno, yoolkeenna nolosha inaan ka dhacno sabab u noqda.

Tusaale ahaan; Nayef waa maamule ku xigeenka shirkad Teknoolajiyadda ka shaqeysa, waxa uu maamulaa hanti aan ka yareyn Hal-bilyan oo dolar. Waxa uu shabaqa ugu dhacay nooca fikradaha taban ah oo uu naftiisa ka aaminay, waxa uu si sahlan horumar uga sameeyay shaqadiisa markii hore. dadku aad ayay u jeclaayeen, laakiin waxa uu dhageystay cod maskaxdiisa ka dhex guuxaya oo u sheegaya inaanuu wanaagsaneyn, shaqada uu hayana aanuu u qalmin. Nayef waxa uu gaarey heer go’aannadii gacansiga ahaa ee si fudud uu ku gaari jiray ay ku adkaadaan, kalsoonidii uu naftiisa ku qabayna ay yaraato.

Waxa uu u baahan istiraatiijiyad si markale dib u soo labo kacleeyo. Daraasaadka qaar ee la sameeyay ayaa sheegaya in halkii fikrad ee khaldan ee nafteenna aan ka aaminno ay u baahan tahay si looga hortago 5 fikradood oo wanaagsan oo naftaada aad ka sheegto si fikradda xun looga hortago.

Nayef waxa uu raacay 4-tallaabood si fikradaha khaldan ee uu iska dhaadhiciyay maskaxdiisa  uga saaro:

  1. Raadi waxa hagaagsan

Inta badan waxaan aaminsan nahay si aan isku hagaajinno inaan u baahan nahay ogaanshiyaha meelaha aan ka liidanno, laakiin inaan waxyaabaha aan ku fiicannahay ogaanno ay tahay arrin muhiim ah, waa sida uu leeyahay mac’hadka Gallup ee bixiya talooyinka dhanka maamulka. Qofka markasta ka hadlaya waxyaabaha togan meelaha uu ku awood badan yahay, waxyaabaha wanaagsan naftiisa ka sheega wuu ka waxsoosaar badan 12.5% dadka kale ee dhaliisha ka sheekeeya. Waydii naftaada “Maxaa kaa cajabiyay bandhigga aad sameysay?”, faa’iidooyinka aad gaartay, bedelkii aad dhaliil raadin lahayd.

  1. Dhageyso Codka Togan (Positive)

Marka aad dhaliil maqasho laga sheegayo waxqabadkaaga qoro, waxyaabaha wanaagsan ee dhaliishaa kaaga muuqan kara, sida; qofku inuu yahay qof wanaaggaaga jecel. Waxaad ogaataada in oraahda wanaagsan ay naftaada ugu roon tahay sida aad u rabto inaad naftaada u horumariso oo kale.

  1. Si Mug leh u faham shayga Togan

Naftaada ammaan u raadi. ku fakar hadiday uu qof muhiim ku soo dhiibay oo uu kugu ammaanayo, xaalahada ugu wanaagsan raadi, howlaha aad qabato wixii adiga kaa anfaca raadi si aad naftaada ugu dhiirrigaliso inaad iska erido afkaarka khaldan ee kalsoonidarrada keeni kara.

  1. Aamin codka togan, sidii inuu sax yahay oo kalena ugu qaado

Saddexda tallaabo ee hore marka aad raacdo, waxaa dhici karta in weli ay kugu yara adag tahay inaad rumaysato waxyaabaha wanaagsan ee dadka kale kaa sheegayaan, waxaa dhici karta inaad isweydiiso maxay kaa doonayaan marka ay ammaanta noocan oo kale kuu soo jeedinayeen. Waxaad ogaataa ammaanta ay dadka kale ku soo jeediyaan inta badan iney tahay mid sax ah, gaar ahaan dadka akhyaarta ah oo aad is leedahay wax maslaxad ah kaama laha.

Si kastaba, Nayef markii uu la qabsaday sidii uu codka gudaha jirkiisa kasoo baxay uu jiheynta lahaa, ma aanuu noqon qof wax-soosaar badan oo kaliya ee waxa uu noqday qof ku baraarugsan hadallada afkiisa kasoo baxaya ee uu saaxiibadii kula hadlayo.

Ugu dambeyn, hadafkaaga nolosha ka dhigo inaad xaqiijiso 1/5 howl-maalmeedkaaga oo halkii fikrad ee taban ku waajah 5 kale oo togan, markasta wax wanaagsan naftaada ka sheeg ammaan u soo jeedi, waxaad arkaysaa farqiga u dhexeeya waxqabadkaaga iyo wax-soosaarkaaga, markaad si wanaagsan u diyaargarowdo, waxaa kuu sahlanaaneysa inaad dadka kale niyad wnaaagga ku faafiso cod togan aad u noqoto dadka kale.

FG: waa Maqaal ay Qortay Sabina Nawaz, Joornaalka “Harvard Business Review”, Maandeeq FM waxay leedahay tarjumaadda oo qura.

 Sabina waa tababare caalami ah oo madaxda shirkadaha waaweyn, waxay ka hadashaa hoggaanka, waa qoraa caan ka ah 26 dowladood oo buugaagteeda laga jecelyahay. Waxay wax ku qortaa website-yada kala ah, FastCompany.com, Inc.com, Forbes.com iyo HBR.org.

Maandeeq FM

Related Articles

Close