WararkaWaxbarashada

Xubin Cusub oo Jirka Aadanaha Ka Tirsan oo La Daahrogay.. Waa Tan Ugu Weyn

 

Wakaaladda Wararka “Reuters” ayaa qortay in koox Saynisyahanno ah ay sheegteen iney heleen xubinta cusub oo gudaha jirka bani’aadamka ka tirsan, waxay aaminsan yihiin iney tahay tan ugu weyn ee illaa iyo hadda la daahrogay.

Saynisyahannadu waxay sheegeen in xubintan cusub oo lagu magacaabo “Interstitium” ay jirka oo dhan ku faafsan tahay, haragga hoostiisa iyo hubnaha dhexdoodana ay ku jirto, waxay jirka ka ilaalisaa dhibaatooyinka dibadda ah ee waxyeello gaarsiin kara xilliga  dhaqdhaqaaqyada kala duwan uu jirku sameynayo.

Xubintan cusub ayaa ah shabakadda ku xiran Connective Tissue jirka aadanaha, xubanaha jirka oo dhan ayuu xiriir la leeyahay, waxa uu sameeyaa taageeridda, isku xirka xubno badan oo jirka aadanaha ka tirsan.

Shabakadda ay xubintan cusubi leedahay ayaa waxaa ka buuxa kanallo uu dareero ay ku jiraan oo shaqooyinkooda gaarka ah leh, taas oo ka dhigaysa iney xubin u xuubsiibato.

Dr Neil Theise oo ah Professor cilmi-nafsiga ah oo ka qeybgalay diyaarinta daraasaddan ayaa sheegay in xubinta cusubi ay ka weyn tahay haragga oo 16% ka ah cufka jirka, isagoona tilmaamay in xubintan cusubi ay u dhiganto cabbir ku dhow 20% cabbirka guud ee jirka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close