WararkaWaxbarashada

Haweenay Music Garaacaneysa Iyadoo Ku Jirtay Qalliin Adag oo Dhanka Maskaxda ah!

 

Bukaan ku jirtay isbitaalka Texas ayaa waxaa u suurtaggashay iney garaacdo aaladda music-ga FULTE xilli lagu sameeyay qalliin adag oo dhanka maskaxda ah!.

Haweenaydan oo la yiraahdo Anna Henry ayaa ah xirfadle si wanaagsan u garaacda aaladda FULTE, waxay qalliinka ku gashay isbitaalka Memorial Hermann ee Houston Talaaladii lasoo dhaafay, iyadoo wacyigeedu taam yahay ayaana qalliinka lagu sameeyay.

Bukaanka ayaa laga daweynayay gacmo gariir ay ku dhalatay oo saameeyay garaacitaankeeda FULTE oo sugnaanshiyo xoog ah qofka looga baahan yahay.

Muuqaal uu ka duubay shaqaale isbitaalka ka howlgalay ayaa waxaa laga dhex arkayaa Anna oo dhakhaatiirtu ay si wadajir ah ugu sacbinayaan, kadib marka ay garaaca aaladda dhameyso qalliinkana loo dhameeyo. Qalliinada noocan oo kale ah ayaa caado ahaan lagu sameeyay dadku uu hayo cudurka Parkinson loo yaqaanno.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:

Maandeeq FM

Related Articles

Close