WararkaWaxbarashada

Khilaafka Waalidka oo Waxyeello u Geysta Caafimaad Maskaxda ee Carruurta (Cilmibaaris)

 

Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in khilaafka waalidka ee soo noqnoqda uu caruurta ka dhigo kuwo aan awood u lahayn iney fahmaan dareenka kala duwan ee aadanaha.

Cilmibaarayaasha ayaa waxay leeyihiin; doodaha iyo marannada joogtada ah ee sida maalin laha ah uga dhex dhaca waalidka ay ku adkeeyaan caruurta fahamka dareenka dadka kale, arrintaas oo saameyn ku yeelatay xiriirkooda marka ay weynaadaan.

Cilmibaaryaasha ayaa aaminsan in arrintan ay sabab u tahay in caruurtu ay baranayaan in caradu ay tahay xilliga uu qofku doonayo inuu xiriirka ka goosto dadka kale, halka sareedada iyo farxaddana ay u qaataan xilliga deegaanka ku hareeraysan uu xasilan yahay.

Cilmibaaryaashu waxay intaa ku sii dareen in caruurta khajilaadda badan ay si gaar ah u saameyso murannada waalidka. Intii daraasadda lagu gudah jiray ayaa waxay lala kumay 99-caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 11-sano jir, waxay arkeen caruurta guryaha dagaalka waalidku ku badan yahay ku dhaqan ay ku adkaato iney fahmaan dareenka dadka kale, halka caruurta ku dhaqan guryaha xasilloon ay si wanaagsan u fahmaan dareenka dadka kale.

Professor Alice Schermerhorn oo ka tirsan Jaamacadda Vermont, ahaydna shakhsigii hoggaaminayay cilmibaaristan ayaa sheegtay in natiijooyinkan la-gaaray ay si cad u muujinayaan muranka joogtada ah ee labada waalid ay burburineyso caafimaadka maskaxda ee caruurta, “Xitaa isku dhaca yar ee caadiga ah uma wanaagsana iyaga[oo wax weyn ayay u arkayaan]”.

Waxaa dhici karta, ayay tiri, in murannadaasi ay keenaan in caruurtu noqdaan kuwo aad u baasaysi badan oo inta ay wanaagga fishaan ay yartahay, “Waxwalba waxay u arkayaan caro”. Halka caruurta aan wax nafis ah ku ag-dareemayn waalidkood ay aad u muran iyo dagaal badan yihiin, waxay ku caqliyeysanayaan dareenka awoodda iyo is-maquuninta ku dhisan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close