WararkaWaxbarashada

Munaasabad Qaaraan Loogu Uruurinayey Jaamacadda Al-Cirfaan oo Hargeysa Lagu Qabtay

 

Munaasabad Qaaraan loogu uruurinayay dhismaha Jamaacad Culuumta Diinta Islaamka lagu baranayo ee Al-Cirfaan ee Degamada Arabsiiyo ayaa Maarso 29, 2018. lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay Culumo-Awddiin, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo warbaahinta, iyadoo si aan loo kala harinna looga qaybqaatay qaraankaasi.

Ganacasadaha caanka ah ee Axmed Daahir Cumar ‘Baxsane’, ayaa halkaa kaga dhawaaqay inuu ku darsanayo qaaraanka Jaamacadda lacago farabadan:

“Waxaynu iskugu nimid Jaamacad Islaami ah oon weli Somaliland ka dhisneyn, ninka Jaamacaddan soo jeediyay waa sheikh Daa’uud, waynu naqaannaa nin adduunyo doon ah maaha, waa nin aakhiro doon ah, dadkuu waxbaray kuwii ay waxbareen ayaa maanta maxkamadaha ka shaqeeya, Jaamacadaha wax ka dhiga, walaalayaal; waxaan leeyahay Jaamcaddaa halloo dadaalo. Anigu $30,000 (Soddon kun oo dolar) ayaa ku tabarucaayaa.”

Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Dhalinyaradii xafladda kasoo qaybgalay oo ay ku jireen bahda saxaafadda ayaa dhankooda waxay ka bixiyeen qaaraanka loo uruurinayay Jaamacadda qof kastaaba wixii karaankiisa ah ee uu awoodo.

 Si kastaba, Jaamacadda Al-Cirfaan ayaa noqoneysa Jaamacaddii ugu horreysay ee Culuumta Diinta u gaarka ah ee laga hirgeliyo deegaannada Somaliland.

Maandeeq FM

Related Articles

Close