arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Canug yar oo Indhoole ah oo Xifdisan Qur’aanka Kariimka ah & Tarjumaaddiisa Labada Luqadood ee Ingiriiska iyo Faransiiska

 

Wasaaradda Aw-Qaafta Masar ayaa waxay sharaftay arday Indhoole ah oo xifdisan Qur’aanka Kariimka ah iyo tarjumaaddiisa Labada luqadood ee Ingiriiska iyo Faransiiska.

Dr. Maxamed Mukhtaar Jumcah wasiirka Aw-Qaafta ayaa si gaar ah u sharfay canuggan yar ee Cabdillaahi Cammar Maxamed al-Sayid, intii lagu gudo jiray xafladdii gabagabada tartanka Qur’aanka caalamiga ee 25aad ee Jimcihii lagu soo gabagabeeyay gudaha dalka Masar.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay inuu maqlay canug yar oo Qur’aanka xifdisan oo aayadaha iyo safxadaha qalbiga ka haya, ma aanuu rumaysan ilaa uu xafiiskiisa ugu yeero, Hal aayad muu gafin, sida uu Jumcad sheegay.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyay inaan canugu uu ka tirsan yahay qoys dhanka maciishadda hooseeya, laakiin uu aabihii aad ugu dadaalo, macallimiin ayuuna u qabtay si ay u baraan tarjumaadda Qur’aanka ee English-ka iyo tan Luqadda Faransiiska ah Labadaba.

Isagoo masraxii lagu sharfayay taagan ayaa waxa uu wasiirku ka codsaday in Cabdullaahi tarjumo suuradda al-Fatixa oo labada luuqadood ee Faransiiska iyo Ingiriiska, si wanaagsan ayuu uga soo dhalaalay dadkii oo dhanna aad ayuu u cajabgeliyay.

Cabdullaahi Camar Maxamed al-Sayid ayaa ah canug yar oo daggan tuulada waadiga al-Jaraad gobolka Al-Sharqiyah ee Waqooyiga dalka Masar, waxa uu hadda dhigtaa Jaamacadda Al-Azhar Al-Sharif. Labo sanno ka hor ayaa waxa uu la kulmay sheekha al-Azhar Dr. Axmed Al-Tayib, sheekha ayaa ka faalo-qaaday kharaashkiisa waxbarashada ilaa uu PhD ka diyaarinayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close