WararkaWaxbarashada

Kumanaan Qof & Dad Caan ah oo Ka Qaybgalay Aaska Stephen Hawking (Sawirro)

 

Kumanaan qof ayaa ka qaybgalay aaska Caalimkii physics-ka ee Stephen Hawking oo Sabtidii shalay loogu sameeyay aas haybad leh magaalada Cambridge, Koonfur Bari UK.

Hawking ayaa Maarso 14, ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla Cambridge iyadoo da’diisu ay  sii caga-cagayneyso 75-jir.

Jariidada “Daily Mail” ayaa sheegtay in nacashka lagu waday caalimka oo ubax lagu xardhay laga soo qaaday gudah Jaamacadda Cambridge oo uu ka shaqeyn jiray, dad farabadan ayaa ku sugayay afaafka hore ee Kaniisadda Magaalada oo markii lasii gelinayay aad ayaa loogu sacbiyay.

Aaska ayaa waxaa ka qaybgalay dad caan ah oo uu ku jiray actor-ka Eddie Redmayne  oo matalay shakhsiyadda Hawking filimka “The Theory of Everything” ee soo baxay sanadkii 2014.

Caalimka ayaa ku caan baxay dhanka physics-ka oo shaqo wanaagsan oo uu ka qabtay darteed, waxa uu qoray buugaag dhanka cilmiga ah oo aad dunida oo dhana ugu faafay, waxaa ka mid ah buuggiisa la yiraahdo “Taariikhda kooban ee wakhtiga” ee uu qoray sanadkii 1988, waxaa buugaa laga iibiyay 10-milyan oo nuskhadood.

Maandeeq FM

Related Articles

Close