JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Saddexda Qaacido ee La Raaco Marka La Gaarayo Go’aannada Waaweyn ee Dhanka Nolosha… Waxaa Ka Mid ah “Qaacidada Dahabiga ah”

 

Dhammaanteen waxaa qaadannaa go’aanno akhlaaqeed oo aasaas nidaamsan leh, qaarkood waa go’aan hoosaad iska caadi ah, sida; inuu saaxiibkaa kaa codsado inaad ra’yigaaga u caddayso shay aad asal ahaan u arkayso inuu yahay mid aan habbooneyn, Laakiin uu aad ugu qanacsan yahay; ma runta ayaad u sheegaysaa, mise mujaamalo iyo been cad ayaad u sameynaysaa adigoo dareenkiisa ilaalinaya.

Waxaa jira go’aanno aad u khatar badan, miyay tahay iney fadeexayso saaxiibkaaga shaqada, marka uu ku dhaqmo waddooyin dadka oo dhan khatar gelinaysa? Ma habboon tahay inaad fasax dalxiis aaddo mise waa inaad baajiso si aad lacagtiisa ugu tabarucdo qof u baahan?

Website-ka “theconversation” ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa waxa uu ka diyaariyay warbixin habka go’aannada muhiimka ah ee nolosha loo qaato, waxa uu soo bandhigay saddex waddo oo la maro iyo qaacidada Dahabiga ah ee go’aan qaadashada ugu muhiimsan.

Kumanaankii sano ee lasoo dhaafay, culumada-falsafaddu waxay aad uga doodeen sida looga jawaabo su’aalaha akhlaaqda ah ee waaweyn iyo kuwa yaryar. Iyadoo aan ognahay in go’aannada aan gaareyno ay la xiriiraan su’aalo akhlaaqeed oo qofka marka uu go’aanka gaarayo maskaxdiisa kusoo kowsanaya.

  1. Waxa ugu wanaagsan ee la heli karo

Waa mid ka mid ah hababka go’aanka loo gaaro nolol maalmeedkeenna, waxa uu qofku eegayaa mas’aladdaasi waxay keeni karto iyo ciribteeda dambe halka ay ku biyo shubayneyso, kadib waxa uu qofku eegayaa ma wadadan oo kaliya ayaa ii furan mise waddooyin kale oo ka duwan ayaa jira oo natiijooyinka wanaagsan lagu gaari karo.

Manfacadda uu shayga leeyahay ayaa ah aasaaska laga duulayo.

  1. In Qaacidada la raaco

Haddii uu qof isbitaalka soo galo isagoo dhaawac fudud ah oo isla markiiba la keeno saddex qof oo shil ku soo dhaawacmay oo si degdeg ah ugu baahan xubno. Haddii bukaanka xubnihiisa la arko iney ku habboon yihiin saddexda bukaan oo qofi u baahan yihiin wadne midna sambab, halka kan saddexaadna uu kalyuhu fariisteen.

Ka soo qaad, haddii qofku intuu beer jilco uu yiraahdo xubnahayga halloo saaro saddexdaa ruux oo uu naf ahaantiisa ogolaado in saddex nafood lagu badbaadiyo. Akhlaaq maaha in qofkaa la dilo si daddexdaa ruux loo badbaadiyo. Laakiin sababtu maxay tahay? Miyaan falkaasi keenayay in saddex qoys  faraxadooda laga shaqeeyo.

Arrinta qarsoon ayaa ah in dhakhaatiirtu ay ku dhaqmaan “Dhaarka Hippocratic” oo sheegaysa inaan qofna dhibaato loo gaysan xitaa haddii uu isagu codsado, dhaartaas waa mid ka mid ah akhlaaqiyaadka dhakhtarka u diidaysa inuu go’aannada noocaas oo kale ah qaato.

Dhakhaatiirtu waxay qaacidadaa ugu dhaqmaan si ay u ilaaliyaan qaacidada kale ee loo yaqanno “Qaacidada Dahabiga ah” : “Dadka kale kula dhaqan sida aad dooneyso iney adiga kuugula dhaqmaan.” Taas oo qaaciddooyinka akhlaaqda tiir u ah.

  1. Muhiimad sii dadka kale

Waxaa jira habraac akhlaaqeed oo kale oo soo jireen ah, halkan lama eegayo natiijada oo kaliya ama waajibaadka ee waxay ka tarjumaysaa inuu qofku yahay qof wanaagsan oo doonaya inuu wanaagiisa dadka oo dhan gaarsiiyo. Go’aanka uu gaarayana waxa uu si gaar ah u baarayaa dhibaatada uu dadka kale u yeelan karo.

Si kastaba, Waxaa hubaal ah iney jiraan fikrado badan oo tilmaamaya waxa loo aqoonsan yahay inuu yahay dhaqan wanaagsan. Laakiin lama inkiri karo marka qofku naxariis badan yahay, ixtraam wanaagsan, xiriirka uu bulshada la leeyahay muhiimad siiya in qofkaasi yahay qof shakhsiyad wanaagsan oo go’aanka uu gaarayo sida ugu wanaagsan ku qaata.

Maandeeq FM

Related Articles

Close