CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Waa Tan Sirta Codka Kasoo Baxa Faraha Xilliga “Fara-Jucsiga”

 

Cilmibaarayaal Mareykan iyo Faransiis iskugu jira ayaa gaaray natiijo ku aaddan sirta codka kasoo baxa “faraha-jucinta”, waxay tilmaameen in sababtiisu ay tahay qarax ay sameynayaan goobooyin dareere ah oo ka sameysmay gudaha iskaggalka lafaha gaar ahaan kalaggoysyada.

Cilmibaarayaashu waxay natiijada gaareen kadib markii ay cuskadeen natiijooyin xisaabeed ka duwan qaababkii loo maray cilmibaarisyadii ka horreeyay.

Xaqiiqada ay la yimaaddeen maaha mid cusub, markii ugu horreysay waxay soo baxday 70-sano ka hor, laakiin waxaa dhaliilay daraasaad kale oo ka dambeeyay. waxa cusub ayaa ah in daraasaddan ay tilmaameyso in goobaha dareeraha ah ee ka sameysma iskaggalka lafaha siiba kalaggoysyada ay qarxaan, qaraxa ay sameyso hal-xabbo ayaa keeni karto codka kasoo baxaya “fara-jucsiga”, waa sida uu sheegay Abdullah Barakat oo ka tirsan kulliyada Farsamada ee Jaamacadda Paris.

Barakat waxa uu yiri: “Mas’aladdan waxaan ka eegnay dhanka xisaabta, maxaa yeelay; cilmibaarisyadii hore waxay u tilmaameen si kormar ah oo qura”.

Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Waxaan isku daynay inaan xisaab ku tilmaanno si aan u sharraxno xaalad physics ah.”

Cimibaarayaasha ayaa natiijadooda ku soo kooban in goobaha yaryar ee dareeraha ah ee ka sameysma gudaha kalaggoosyada iskaggalka faraha uu keeno dhawaaqa kasoo baxa faraha ee xilliga fara-jucsiga, dhaqankan ayaa la ogaaday inaanu wax dhibaato ah u lahayn faraha, waa natiijo ka duwan cilmibaarisyadii hore ee sheegayay in ay faraha dhibaato u keenayso.

Si kataba, fara-jucsiga faa’iidooyin badan ayaa laga helaa sida ay khubara caafimaadku sheegayaan waxaa ka mid ah in lafdhabarta lagu xoojiyo.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close