arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

28-milyan oo Qof oo Isku Garbineysa Shaqo Mushaarkeedu Yahay $300

 

Waddanka ay ku noolyihiin dadka Labaad ee ugu badan adduunka, dadkiisuna ay ka badan yihiin 1-Bilyan iyo 300 milyan oo qof, waa dalka India, ayaa shirkadda gaadiidka ay ku dhawaaqday Febraayadii lasoo dhaafay iney qaadaneyso 90-kun oo shaqooyin cusub ah una badan farsamada gacanta iyo xammaali, shaqo bixin lagu  tilmaamay iney tahay tii ugu ballaarneyd taariikhda. Dadkii shaqadaa soo codsaday waxay gaarayeen 28 milyan oo qof, shaqadii kaliya waxaa ku tartamaya in ka badan 300 oo kun oo qof, waa shaqo farsamo mushaarkeeda billaha ah uu ku dhaw yahay $300.

Codsiga shaqada shirkadda “Indian Railways” ayaa lasoo afmeeray bishii lasoo dhaafay. Shirkaddan waxaa la aasaasay 172 sano ka hor, waxaa dhawaan lagu sameeyay dib u cusbooneysiin ay ku kacday 130-bilyan oo dolar, tirada shaqaalaha ka shaqeeya waxay gaarayaan 400 oo kun oo qof, waxay leedahay 300 oo kun oo gaadiid oo qaarkood korontada ku shaqeystaan, si rakaabka iyo badeecadda loogu qaado.

Shirkadda ayaa dooneysa iney howlgeliso 26,000  oo darawal tareen iyo makaanig cusub ah, waxaa u raacsan 63,000 oo xammaali, dadka biraha ka shaqeeya iyo kuwa qashinka uruuriya, halka cimriga ugu hooseeyaa uu 18-jir yahay, qofka ugu da’da weyn ee la qaadaneyayna uu 31 jir yahay, si adeeg fiican loogu sameeyo rakaabka shirkaddan oo balaayiin qof gaaraya.

Jariidada “Nava Bharat” ee aadka looga akhristo gudaha India ayaa tiri haddii da’da qof la gaarsiin lahaa ilaa 40-jir, tirada dadka shaqooyinkaa codsanayaa waxay gaari lahaayeen 40-milyan oo qof!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close