CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Kheyr Filo… Si Caafimaadkaaga Wadnuhu u Hagaago

 

‘Kheyr fisha waad helaysaane’, yididiilada wanaagsan waa furaha caafimaadka iyo nolosha, daraasad dalka Mareykanka laga sameeyay oo cusub ayaa tilmaameysa in dadka rajada badan ay ee marwalba wanaagga fisha aragtida wanaagsanna ka haysta mustaqbalka ay yihiin kuwa ay ku yaryihiin cudurrada wadnaha iyo xidada dhiigga la xiriira.

Daraasaddan ayaa waxaa sameeyay cilmibaaryaaal ka tirsan Jaamacadda Illinois ee gudah dalka Mareykanka, natiijadeedana waxaa lagu faafiyay Joornaalka “BMJ Open” ee arrimaha cilmiga ka hadla.

Si loo ogaado xiriirka ka dhaxeeya yididiilada wanaagsan iyo caafimaadka wadnaha, cilmibaarayaashu waxay isha ku hayeen 4900 oo qof oo asalkooda uu Latin iyo Spanish kasoo jeeda oo si gaar ah loo xushay, kuwaas oo ku dhaqan gudaha dalka Mareykanka.

Waxaa la baaray caafimaadkooda wadnaha iyo xidada dhiigga iyadoo la adeegsanayo qiyaasta Jamciyadda Wadanaha ee dalka Mareykanka, waxaa dadkaa laga eegayay dhiigkar, sonkorta dhiigga, kolostarolka, raashiinka sida maalin laha ah ay u qaataan, shaqada jir ahaaneed ee ay qabtaan, iney sigaar cabbaan iyo in kale.

Sidaas oo kale, waxay  qiyaas u sameeyeen heer yidiilada iyo rajada wanaagsan ee dhanka mustaqbalka oo qofkii ugu rajada yaraa la siiyay 6 halka qofkii ugu rajada badnaa uu 30-darajo helay.

Waxay arkeen in dadka yididiiladoodu badan tahay ay iskugu jireen dadka da’da weyn, xaaslayaasha ah, aqoonta leh iyo kuwa lacagta haysta.

Professor Rosalba Hernandez, ayaa sheegay in daraasadda ay sugtay oo ay ka ogaadeen in mar kasta oo yididiiladu ay kor u kacdo oo rajadu ku kororto dadka waaweyn, waxaa hoos u dhacaysa khatar ah iney ku dhacaan cudurrada wadanaha iyo xidida dhiigga la xiriira.

Hernandez waxa uu tilmaamey in yididiiladu, caafimaadka wadnaha iyo xididda dhiigga ay isku xiran yihiin, iyadoo aan la eegin da’da, jinsiga, dhaqanka iyo heerka ay aqoontiisu gaarsiisan tahay.

Sida ay sheegtay W.H.O cudurrada wadanaha iyo kuwa xidida dhiigga waxay kaalmaha hore uga jiraan sababaha keena geerida ayna ka horreeyaan sabab kasta oo loo geeriyoodo adduunka.

Ururka ayaa waxa uu farta ku fiiqay in sanadkii 17.3 milyan oo qof ay u geeriyoodaan cudurrada wadanaha, taas oo ka dhigan 30% geerida ka dhacda dunida sanad gudihii. Waxaana la odorasay in marka la gaaro 2030, dadka cudurrada wadanaha u geeriyoodaa ay gaari doonaan 23 milyan oo qof sanadkii, haddii la heli waayo ka hortag wanaagsan iyo daweyn sare.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close