CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Markii Ugu Horreysay… Waxaa lahelay Bakteeriyo Adkeysi u Leh Antibiotics Caanka ah

 

Culumo-Saynisyahanno ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreeysay helay nooc cusub oo bakteeriya ah oo adkaysi u leh noocyada kala duwan ee antibiotics.

Sida ay sheegtay BBC, Noocan cusub ayaa lagu arkay ruux qaba cudurka Gonorrhea oo ka qaaday haweenay Asia ah.

Ninkan ayaa waxaa waxba ka tari wayday antibiotics-kii ay dhakhaatiirtu siiyeen. Dr Gwenda Hughes oo caafimaadka guud ku takhasustay ayaa tiri: “Tani waa markii ugu horreysay ee aan aragno xaalad iska difaac xoogan ah oo antibiotics-kii la yaqaanney ay waxba ka tari waayaan.”

Dr, waxay sheegtay in iyada iyo kooxdeeda dhakhaatiirta kale ah ay tallaabo-tallaabo u qiimeynayaan xaaladda, si loo hubsado cudurka oo si heersare ah loo daweynayo, xilli ay jiraan dawooyin kale oo aad u horumarsan oo hadda bukaanka loo adeegsanayo.

Weli lagama helin gudaha dalka Ingiriiska bakteeriyo kale oo adkaysi u leh daawooyinka antibiotics-ka ah, laakiin baaritaannadu way socdaan.

Dhakhaatiirta ayaa tilmaamay sida ay uga baqdin qabaan in bakteeriyadan cusubi noqon karto mid aan daawo lahayn oo ay wax ka tari kari waayaan antibiotics-ka la yaqaanno ee illaa iyo hadda aadanuhu soo saaray.

Dr Olwen Williams oo ah madaxa Jamciyadda Ingiriiska ee caafimaadka Jinsiga iyo HIV-ga ayaa yiri: “In la helo noocan cusub ee Bakteeriyada ah ee aadka adkaysiga u leh, waxay nagu haysaa walwal weyn.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close