arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxaad Ku Arkaysaa Japan oo Kaliya.. Furits-ka oo Sidii Dahabka Loo Iibiyo

 

Inta badan dadka dalxiiska ah waxaa cajabgeliya habka quruxda badan ee loo diyaariyo Khudaarta fruit-ka ah gudaha dalka Japan, laakiin waxay aad ula yaabaan amrka ay arkaan in qiimaheedu uu aad u sarreeyo, halkii xabbo ee shammaam (Bartiiq ) ah waxa uu qiimeedu yahay $200. Sababta Fruirts-ka qaaliga ka dhigtay gudaha dalka Japan ayaa salka ku haysaa sabab dhaqan iyo mid dhaqaale.

Marka aad doonto inaad kasoo adeegato tukaan Japanese ah waa tijaabo qofka marka ugu horreysay ay aad ula yaabaan, waxay arkayaan Fruit-kii oo si heersare ah loo diyaariyay, qaabkii jowharadaha dahabka ah oo kale loo iibanayo oo aad loo qurxiyay, waxaad arkaysaa qaraha oo loo diyaariayay habab kala duwan oo aad soo jiidasho u leh.

Marka aad gudaha u gasho tukaanka khudaarta ee “Sembikiya” ee ah kan ugu caansan magaalada Nihonbashi, khudaartu waxay ku jirtaaa dhalooyin si aad ah looga taxadaray oo hab aad u qurux badan loo qaabeeyay, halkii xabbo ee qaraha(xabxabka) cagaaran ah waxaa lagu iibinayaa inta u dhaxaysa $140 ilaa $215, halkii laan ee canab ah la siinayo ku dhawaad $121.

Tukaankan ayaa la furay sanadkii 1820, waxa uu aad ugu takhsusayay diyaarinta hadiyadaha qaaliga ah, 98% kharashka waxa lagaa iibinayo ee lagugu dallacayo waa weelka khudaarta laguugu ridayo ee heerka sare ah.

Dhaqanka dadka Japan

Dadka Japanese-ka ah khudaarta Fruits-ka ah waxay ka aaminsan yihiin iney tahay taraf iyo faakihaysi, inta badan raashinka maalinlaha ah ee guryaha lagu kariyo kama mid aha, fruits-ka hadiyadaha dadka sida gaarka ah loo jecelyahay ayaa loogu diri jiray. Illaa laga soo gaaro Kontomeeyadii Qarnigii hore waxay aaminsanayeen in khudaartu tahay shay u gaara munaasabadaha oo qura.

Laakiin markii nolosha dadka Japanese-ka ah ay is dhex galeen dadka reer galbeedka ah ayaa waxaa timid in nolosha qoyska si tartiib-tartiib ah loogu soo daro khudaarka Fruits-ka ah, sanadkii 2011 qofka Japanese-ka ah khudaarta fruits-ka ah isticmaalkiisu waxa uu noqday 50,9 Kg, halka dadka Faransiiska isticmaalkoodu gaaray 116.1 Kg qofka taliyaaniga ah uu noqday 149 Kg, (sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda beeraha, kaymaha iyo kalluumaysiga Japan).

-Beeraalayda yaryar ee Japnese-ka ah ee khudaarta beerta waxay aad ugu dadaalaan iney beegsadaan udugga fruits-ka, tusaale; ahaan beeraaleysa Shammaamka/bartiiqa, waxay xoogga saaraan nooca leh udugga miskiga ee aadka u carafta badan, si halkii xabo ay ku helaan waxay u xidiido siibaan tiro badan oo shammaam ah.

Si kastaba, dalka Japan ayaa sidii jowharaddii oo kale looga iibiyaa khudaarta oo qiimaheedu aad u sarreeyo, iyadoo dadka khudaarta isticmaalaa ay ku sheegaan iney tahay tan ugu udugga badan uguna macaan adduunka. Waxaase xaqiiqo ah in dalkeenna khudaarta fruits-ka ah ee ka baxda – haddii si wanaagsan loo daryeelo- aan la helayn nooc u dhigma dunida oo dhan.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close