CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

5 Shay oo Guriga Inoo Yaalla Khatar Qarsoonna u Leh Caafimaadka Nafteenna iyo Kan Caruurta

 

Waxaa jira waxyaabo badan oo guriga inoo yaalla oo inteenna badani aynaan ku baraarugsaneyn khatarta caafimaad ee ay inoo yeelan karaan, laakiin bakteeriyo ku tarantay awgeed cudurro farabadan oo khatar ah laga qaadi karo.

5 Shay oo Khatar Caafimaad Inoo Leh oo Aynaan Ka Warhayn 

  1. Isbuunyada maacuunta

Sanadkii 2011, ayaa daraasad ay sameysay mu’asasada NSF International Household Germ Study, oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa caafimaadka ay baartinno kala duwana ku sameysay 30 walxood oo kala duwan oo ka mid ah qalabka guriga lagu isticmaalo, saxamada iyo isbuunyada jikada ayaa ahaa kuwa ugu daran, waxaa laga helay bakteeriyda “E.coli” 75% qoysaskii la baaray, waxaa kaalinta labaad soo galay goobaha maacuunta lagu dhaqo oo 45% laga helay bakteeriyo, halka meelaha burushka ilka la surto laga helay 27% bakteeriyada E.coli.

  1. Qasaaladaha dharka lagu mayro

Qasaaladaha dharka lagu dhaqdo waa goob kale oo bakteeriyadu ku Taranto, dharka sidii loogu talagalay ugama disho bakteeriyada.

  1. Barafka

Ha aaminin fikradda ah in barafku markasta nadiif yahay, waxaad ogaatada aaladaha barafka lagu soo saaro iney bakteeriya fadhido.

Sanadkii 2012, xilli mashruuc cilimiyeed la fulinayay Jasmine Roberts oo 12-jir ahayd ayaa ogaatay in biyaha bulaacadaha maqaaxiyaha cunnooyinka fudud ay ka nadaafad badan yihiin barafka.

https://twitter.com/sommervilletv/status/892704612209373184

  1. Keyboard computer-ka

Sanadkii 2008, khubaro ayaa loo diray xafiisyada gudaha dalka Ingiriiska, waxay baaritaan ku sameeyeen 33 Keyboard, waxay arkeen in  4 Keyboard oo ka mid ah khatartooda caafimaadka ay aad u sarreyso, waxay ku arkeen in bakteeriya ay ku rantay 150-jeer. Waxaa si gaar ah loo arkay iney Keyboard ay u dumarku isticmaalaan ay ku badan tahay bakteeriyada.

  1. Alwaaxa Hilibka lagu googoosto ee kawaanka

Alwaaxda hilibka lagu jarjaro waa goob ku habboon bakteeriyada saxarada, ee kasoo baxaysa caloosha xoolaha la qalay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close