JaamacadahaWararkaWaxbarashada

7-Tallaabo ee Lagama Maarmaan u Ah Guulaha Shirarka Miro Dhalka ah ee Waqtigoodu Go’an Yahay

 

Qofka wax uga dhib badani ma jiro shirarka aan waqtiga lahayn oo iska socda. Sidaa darteed, markii aad tahay mas’uulka ugu sarreeya waxaa waajib kugu ah inaad damaanad qaaddo in dadka ka qaybgalayaasha ah aaney shirka ka dhigan goob ay isku ballansadaan oo ay ku sheekaystaan ama khudbado dhaadheer laga soo jeediyo. Laakiin su’aasha is-weydiinta leh waa : sidee lagu ilaalin karaa baraarugga shaqaalaha iyadoo aan la dilin fikirkooda hal-abuurka leh?

Ra’yiga Khubarada

Warka farxadda leh ee ayaa ah, in maamulka shirarka uu mid sahlan yahay, waxay u badan tahay inaad intiisa badan garaneyso. Laakiin arrinka dhibka badan ayaa ah in kulanka lagu ilaaliyo qorshihiisa loosoo diyaariyay, dadkana in yar ayaa ku guuleysata arrintaas oo muhiimadeedda ay leedahay siisa.

Professor R.M Bowen oo ka tirsan Jaamacadda Harvard,  waa mu’alifka buugga “Waxsoosaarka halkiisa sare”,  waxa uu leeyahay: “Arrinta meesha ku jirta ayaa ah dadku inta badan kama sii fakaraan sidii ay kulanka uga dhigi lahaayeen mid guuleysta, tababar hore oo aaney ka helin arrintaas ama waa dad iska mashquulsan badan sidii la rabay si ka badan.”

Roger Schwarz oo ah caalim dhanka cilmi-nafsiga ku takhasusay isla markaana ah qoraaga buugga “Smart Leaders, smarter Teams”, ayaa waxa uu leeyahay: “Mu’asaasaadka xilligan waxay sameynayaan dhaqaaq xaare sare ah, laakiin in yar oo mas’uuliyiin ah ayaa waqti u hesha ka baarandaggiisa iyo sidii kulamada ay maamulayaan u noqon lahaayeen kuwo guuleysta.”, waxaadse ogaataa in degdegga uu waqti un ku lumo.

Hadaba si shirarka iyo kulamada aad maamuleysaa u noqdaan kuwo miradhal wanaagsan ah raac talooyinka soo socda:

  1. Danta aad ka leedahay kulanka si cad u qeex

Waxaad warqad kusoo dhajin kartaa derbiga hoolka shirarka mowduuca diiradda la saarayo ee laga wadahadalayo, waxaa kale oo aad miiska soo saartaa waxyaabaha aan loo baahneyn in kulanka looga hadlo.

  1. Hadal Jeedinta si wanaagsan u xakamee

Haddii kulanka aad maamulayso waxaa dusha kaa saaraan inaad ilaaliso dareenka shaqaalaha, waxaad ku dadaashaa in cid kastaa ka qaybqaadato. Ogow waxaad halkaa u joogtaa waa inaad dhageysato fikradaha ay dadku soo jeedinayaan, iska ilaali in qof fikraddiisu ku dhaafto ama uu u arko inaadan ra’yigiisa dan ka lahayn.

  1. Diid khudbooyinka aan waxtarka lahayn

Dadka qaar oo waxaa jira  jecel iney khudbooyin dhaadheer soo jeediyaan, si ay arrimaha qaar tooshka ugu ifiyaan, dadkaas oo kale lama horistaagi karo, laakiin mararka qaar waa inaad tiraahdo oo aad u sheegto, waxa uu ka hadlayaa inuu yahay arrimo muhiim ah, laakiin ay xilli kale oo ay ku habboon tahay ay ka hadli doonaan.

  1. Iska Xakamee dadka mowduuca laga hadlayo ka baxa

Waxaa dhici karta inaaney mushkiladdu ahayn in qofku uu doonayo inuu wakhi badan hadlo, laakiin mushkiladda dhabta ah ay tahay in mowduucii miiska saarnaa laga baxayo, dadkaas oo kale inta aan kulanka lasoo gelin la hadal oo u sheeg inaaney habbooneyn in mowduuca laga baxo, ayna wanaagsan tahay in mowduuca xayndaabkiisa lagu koobnaado.

  1. Mowduuca xiga si wanaagsan u xulo

Waxaa dhici karta in halkii kulan dhowr mowduuc ay miiska saran yihiin, inta aadan mowduucii hore ka gudbin, dadka oo dhan su’aal waydii iney weli mowduuca wax ku harsan yihiin iyo in  laga gudbi karo.

  1. Waa in gabagabadu noqoto tan ugu wanaagsan

Waa in gabagabada shirka waxtarka leh ay noqoto mid ku habboon, waa in kasoo qaybgalayaasha aad waydiiso tallaabooyinka soo aaddan? Dadka ay tahay iney fuliyaan? Wakhtiga howlgudashada inta uu yahay?. Marka uu shirku habkaa kusoo dhamaado cidina ma dhihi karto waxtar ma’aanuu lahayn.

  1. Mabaa’di’da ay lagama maarmaan tahay in la dhowro

Xasuusnaanow in tallaabooyinkan aad ka taxadarto:

-Kuma khasbanid in shirka cid kastaa timaaddo.

-Mowduuc miiska saaran haka gudbin ilaa aad ka ogaato in ra’yiga qof kasta la dhageystay.

-Ha ogolaanina in kooxda fikirkoodu kala tago oo mawaaduucyo gaar gaar ah goobta laga furo.

FG: Maqaalkan Waxaa Qortay Amy Gallo oo ka tirsan “Harvard Business Review”, Maandeeq FM waxay leedahay tarjumaaddiisa oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close