arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ganaax Adag iyo Xabsi Lagu Soo Rogayo Lamaanayaasha Iska Jaajuusa Telefoonnada Gudaha Sucuudiga

 

Xukuumadda Sucuudiga ayaa meelmarisay Isniintii sharci lala tiigsanayo lamaanaha isqaba ee taleefanooda iska dhageysta.

War-murtiyeed rasmi ah oo kasoo baxay xarunta isgaarsiinta dowliga ah ee raacsan Wasaaradda Dhaqanka ee Sucuudi Carabiya, ayaa lagu sheegay in la ganaaxi doono qoyska isqba ee dhanka taleefannada iska Jaajuusa 500,000 oo riyal(130 kun oo doolar) iyo xabsi ilaa hal-sano ah.

War-muriyeedka ayaa lagu sheegay in sharcigani yahay mid dhaqangal ah, iyadoo danta laga leeyahay ay tahay in kor loo qaado heerka ilaalinta asturnaanta xogta shakhsiga u gaarka ah.

Waxaa xusud mudan, in ganaaxan horey loogu soo rogay dambiyada la xiriira dhanka xadgudubka macmuulaadka electronic-ga ah oo qofkii xaday lagu soo rogay, laakiin waxa ku cusub ayaa ah in arrinta ay saameynayso lamaanaha xaaska ah ee isqaba.

Sida ku qoray xeerka nidaamka la-dagaallanka dambiyada electronic ah: “In la dhageysto waxa qofka loosoo dirayo iyadoo aanuu ogolaanshiyo jirin.”, qofka waxaa ku dhacaya ganaax ah 500 oo kun oo riyal iyo xabsi hal-sano ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close