WararkaWaxbarashada

Weji Afaraad oo Ku Soo Kordhay Wejiyadii Maatarka ee Saddexda Ahaa

 

Saynisyahanno dhanka physics-ka ah ayaa waxay daahrogeen weji cusub oo ka mid noqonaya wejiyada maatarka ee kala ahaa, adkaha, dareeraha iyo neefta, arrintaas oo ka dhigan in la gaaray wax aan horey loo ogeyn.

Qaab dhismeedka wejigan cusub ee la helay waxa uu u hoggaan san yahay shuruucda inta badan la isku raacsan yahay ee Quantum mechanics, laakiin ma waafaqsana “Thermodynamica” ay inta badan u hoggaansan yihiin wejiyada saddexda ah ee horey loo yaqaanney. Xaaladdan cusub ee maatarka waxay u bixiyeen magacaabeen “Shakti spin ice“, waana sida lagu soo qoray wargeysa Science Daily.

Daahroggan cusub ee kacdoonka ah waxaa gaaray cilmibaarayaal ka tirsan  Jaamacadda Illinois ee gudaha dalka Mareykanka, waxaana hoggaaminayay cilmibaaraha la yiraahdo Cristiano Nisoli.

“Cilmibaaristeenno markii ugu horreysay waxay soo saartay in nimaamkii hore ee classical ahaa ee maadada, tusaale ahaan; barafka warshadaha ay suurtaggal ah iney ku jiraan wax loo yaqaanno nidaamka “Topology”, waana si ka duwan wixii hore laga aaminsanaa.”, ayuu yiri Nisoli

Culumada-sayniska ee daraasaddan ka qaybgashay ayaa waxay caddeeyeen in xaaladdan cusub ee maadada ay albaabbo cusub u furi karto, daraasaad iyo daahrogyo kale oo waxtar u yeesha aadanaha.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close