WararkaWaxbarashada

25 Arday oo “Jalaato” Ku Sumoobay Gudaha Magaalada Muqdisho

 

Sida ay xaqiijiyeen maamulka iskuulka Global ee ku yaalla degmada Kaaraan, 25 arday oo iskuulka ka tirsaneyd ayaa ku sumowday Jalaato ay cuneen xilligii nasahada ee kala barka xiisadaha.

Maamulaha guud ee iskuulaadka Global Axmed Xasan Maxamuud oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in xaaladda ardaydaasi ay hadda dagan tahay, lana geeyay isbitaalka Keysaney.

Iskuulka waxaa soo gaaray maamulka Degmada Kaaraan, waxaana goobta laga bilaabay baaritaan, si loo ogaaday sababta sumowga ardayda iyo ciddii ka dambeysay intaba.

Warka ardaydan wixii kasoo kordha kala soco Maandeeq.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close