CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Faashado “Kacdoon ah” Dhiig-baxa Si Degdeg ah u Joojinaya Dhaawacyadana Daaweynaya

 

Cilmibaarayaal ka tirsan Jaamcadda “Texas A & M” ayaa waxey soo saareen faashad dhaawacyada lagu awdayo, waxey isku dareen gel 2D ah iyo labkayada Silicon oo nanoparticales ah, dhiig-baxa si dhakhsiyo ah ayay u joojineysaa, waxeyna ka qaybqaadaneysaa inuu si degdeg ah u bogsado.

Cilmibaarayaashu waxey isku lareen maadada kappa-carrageenan iyo lakabyada nanosilicates si ay u helaan maaddo cusub oo dhaawacyada lagu awdi karo, dhiig-baxana si degdeg ah ku joojineysa.

Maadada kappa-carrageenan ayaa waxaa laga soo saaraa dhirta badda ee la cuno, lana isticmaalayay muddo dheer, si raashinka looga dhigo mid is haysta.

Sida uu leeyahay wargeyska “Science Daily”, lakabyada nanosilicates wey adkaadaan marka ay la falgalaan kappa-carrageenan in ay kordhiyaan awoodda faashadda oo keenaysa inuu dhiiggu si degdeg ah u xinjiroobo goobta dhaawaca.

Faashaddan ayaa waxaa lagu awdayaa goobta dhawaaca iyadoo lagu xoojinayo antibiotic, si dhaawacu degdeg ugu bogsado unugyaduna si dhakhsiyo ah ay iskugu cusbooneysiiyaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close