WararkaWaxbarashada

Khasaaraha Maaliyadeed ee Waaweyn oo Ka Mid ah Sababaha Loo Geeriyoodo (Daraasad Cusub)

 

Cilmibaaris cusub ayaa daahrogay in khasaaraha maaliyadeed ee waaweyn ay suurtaggal ka dhigto in cimrigu uu soo koobmo, daraasad lagu baareen shakhsiyaad ku hanti beelay gudaha dalka Mareykanka si lama filaan ah, waxaa la ogaaday in intooda badan sanado yar gudahood ay ku geeriyoodeen, si ka dhakhsiyo badan asaagooda kale ee aan hanti beelku ku dhicin.

Cimir-degdegga ayaa lagu arkay 4-tii qofba qof ka mid ah dadkii daraasaddani ay saameysay, irrintan ayaa khubaradu waxey ku tilmaameen iney tahay “Naxdinta Hantida”, waa marka uu qofku waayo 75% hantidiisa muddo Labo sanno ah gudahood.

Khubaradu waxey daraaseeyeen Labo nooc oo xogo ah oo laga uruuriyay dad ka badan 9-kun oo qof, dadkaas oo isku dayay iney iska xakameeyaan khataraha caafimaad ee kale, waxeyna soo saareen natiijo ah in dadka ay soo gaarto khasaaraha maaliyadeed ee waaweyn ay khatartooda geerida xilliga hore ah ay gaarsiisan tahay 50%.

Cilmibaarisyada noocan oo kale ah lama sugi karo sababta iyo natiijada, laakiin natiijada cusub ayaa ah waxey dibadda usoo saareysaa xiriirka horey loo yaqaannay ee maaliyadda iyo caafimaadka.

Daraasaddan ayaa la faafiyay Talaadadii shalay, waxaana lagu soo bandhigay joornaalka Caafimaadka Mareykanka ka faallooda ee “Journal of the American medical association“.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close