JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Miyaad Ka Caajistay Shaqadaada… 4-Istiraatiijiyadood oo Aad Kula Soo Noqon Karto Firfircoonidaada

Daraasad cusub oo uu sameeyay mac’hadka Gallup oo lagu baaray 180 milyan oo qof, ayaa lagu ogaaday in 13% shaqaalaha ay shaqadooda ku faraxsan yihiin.

Daal farabadan, saacadaha shaqada ee waqtiga dheer, walwalka, maamulaha xun, arrimahaas oo isbiirsadaa ayaa ku filan inaad shaqada ka niyad-jabto, laakiin waxaa jira 4-istiraatiijiyadood oo kugu garabsiinaya inaad mushkiladahaa ka adkaato.

Warbixin uu diyaariyay websitedka “Ideas.ted” oo ku saabsan sedeed u noqon kartaa qof ku faraxsan shaqadiisa:

  1. Dib u Qeex Macnaha Guusha Nolosha

Philosopher-ka la yiraahdo  Alain De Botton ayaa waxa uu leeyahay: “Waxaa dhici karta in helidda quutul-daruuriga ay maanta sahlan tahay, laakiin waxaa adkaatay in dadka xasiloonidooda la ilaaliyo oo walwalka ay ka fogaadaan.”

Naftaada waydiid, sideed u aragtaa qeexidda Guusha? Is Weydii in qeexitaannada jira ay khuseeyaan iyo in kale, in badan fahamka aan guusha ka haysanno waxaan inoogu tusaale ah qoyska, saaxiibada iyo dhaqanka.

Waxaad ogaataa in guusha dhanka shaqada ee adiga kugu saabsan in aanuu khusayn qof kale adiga naftaada mooyaane.

  1. U mahadceli qof ka mid ah saaxibadaa si maalinle ah

Si aad farxad u hesho muhiim maaha inaad guulo waaweyn gaarto, waxaa jira howlo yaryar oo aad qaban karto oo aad farxad ka helayso.

Waxaad qortaa 3 shay oo muhiim u ah oo aad si maalinle ah u daa’imto  21 maalmood, arrintaas oo raad fiican ku yeelanaysa farxadaada. Waa sida uu sheegayo lataliye sare ee dhanka sareedada Shawn Achor.

  1. Ballaari Xiriirkaaga

Qoraaga caanka ah ee Kare Anderson, waxay leedahay, siyaabaha faraxadda lagu dareemo goobaha shaqada waxaa ka mid ah inaad xiriirkaaga ballaariso oo aad gaarsiiso dadka kale ee aad kala aragti duwan tihiin aad la dhisato xiriir wanaagsan.

  1. Xasuuso… Shaqadaadu maaha inaad waxwalba qabato

Caajiska waxa kaa saari kara inaad miisaan dheellitiran ah saarto nolosha iyo shaqada. Qoraaga Nigel Marsh waxa uu leeyahay: “Haddii aad noloshaada u qorsheyn waydo, dadka ayaa kuu qorsheynaya. Markaasna ma gaari doontid dheellitirankii nolosha iyo shaqada ee lagama maarmaanka ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close