arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Sheekadu Beentii April Maaha”… Tareen Godkii Uu Galay Ku Dhex Lumay oo Illaa Maatan Aan La Hayn Raqda iyo Ruuxda Dadkii Saarnaa

 

Shirkadda “Sanetti” ee dalka Talyaaniga laga leeyahay ayaa qabanqaabisay sanadkii 1911, safar madadaalo iyo dalxiis iskugu jiray oo loo diyaariyay qoysaska hantiileyaal ah ee kasoo jeeda dabaqadda sare, waxey kaxaysteen tareen yar oo saddex isjiid ka kooban, waxey kasoo dhaqaaqeen boosteejo Roma ah waxeyna soo aadeen dhanka buurta Lombard.

Safarka ayaa waxaa ka mid ahaa iney maraan god dhirirkiisu yahay 1000-mitir, arrintaasina waxey safarka ka dhigeysay mid aad u xiiso badan, waa bilowgii Qarnigii 20-aad.

Wadadii ay ku socdeen waxey ahayd mid soo jiidasho leh oo ay ka buuxaan muuqaallo cajiib ah oo aad ula dhaceen dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa tareenka oo tiradoodu ahayd 106-qof.

Saacado yar kadib, waxa uu tareenkii gaaray Lombard, waxaa rakaabkii usoo muuqday godkii 1000-mitir ahaa, way galeen, laakiin cidina kama aaney soo bixin dhiniciisa kale oo illaa maanta waa la sugayaa!.

Booliskii way baareen godkii si wanaagsan, laakiin waxba way arki waayeen, tareenkii iyo isjiidkii ku xirnaa midna lama hayo, haraaga burbur iyo raqda dadkii saarnaa midna lama helin, marka laga reebo Laba qof oo meel ku dhuumanayay oo la helay, argagax badanina uu ka muuqday.

Markii ay xoogaa yara xasileen oo argagixiii ka baxay ayaa waxey sheegeen iney ceeryaamo arkeen, sidii dareere jirkooda ku dhagaya oo kalena ay dareemeen, argagax ayaa rakaabkii tareenka qabsaday ay sheegeen, angu waan ka boodnayay ayay yiraahdeen oo meel albaabka u dhow ayaan joognay. Dadkii kalena ay u suurtaggeli waday iney baxsadeen.

Labadan qof ayaa muddo dheer ka kabanayay dhibaatadii kasoo gaartay dhacdadaa naxdinta leh, illaa iyo maantana lama helin raqdii tareenkaa iyo hakii uu jaan iyo cirb dhigay.

Sheekadaasi waxey dhalisay argagax,waxeyna keentay in gebi ahaanba la xiro godkaa wadada tareenka ahaa. Intii lagu guda jiray dagaalkii Koowaad ee dunida ayaa waxaa  qabsaday gantaal keenay inuu si dhameystiran u burburo, waxaana meesha lagu aasay suurtaggalnimada in la helo furaha hal-xiraale dadbadani isweydiinayaan.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in sheekadan aaney dhalin guux bulsho iyo layaab guud, iyadoo ay jirto in 100 muwaadin in ka badan la waayay.

Dhanka warbaahinta sheekadan si guud mar ah ayay uga hadleen, booliskuna faylka waxey u direen goobaha sirta lagu kaydiyo iyagoo tilmaamay in baaritaannadii la sameeyay aan waxba laga gaarin.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close