CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

3.9% Dadka Adduunka oo uu Hayo Cudurka HBV (Daarasad Cusub)

 

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 292 milyan oo qof oo dunida daafaheeda kala duwan ku nool uu hayo virus-ka hepatitis B. arrintaas oo ka dhigan in 3.9% dadka dunida uu cudurku hayo.

Dr. Homie Razavi iyo saaxiibadii ay ka wada tirsan yihiin xarunta baaritaannada cudurrada Colorado, ayaa waxey sheegeen in 10% ay yihiin dadka cudurka laga daweeyo.

Razavi ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay: “Danta ugu weyn ee aan daraasaddan ka lahayn waa inaan dadka u sheegno iney baraarugaan. Waxaan waajahaynaa mushkilado khatar badan.. oo ay ahayd inaan xilli hore xallinno.”

Hepatitis B ayaa ah cudurrada beerka ee ugu badan Afrika, Koonfurta sub-Sahara iyo Asia, in hooyadu ubadkeeda u gudbiso ayaa noqotay halka ugu badan ee uu ku faafo xilliyadii dambe.

Khubarada daraasaddan hindisay waxey ku qiyaasayaan 291-milyan iyo 992 -kun, isku-dar dadka uu hayo xanuunka beerka ee khatarta ah HBV 2016, waana in u dhigan tahay 3.9%, dadka adduunka ku nool.

Cudurka waxaa sanad gudihii laga helay 26-milyan oo qof oo xaalado cusub ah, dadkaa waxaa dawo ka helay 10% oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close