WararkaWaxbarashada

Billionair Bil Gudaheed Ku Waayay Kalabar Hantidiisa

Maamulaha guud ee shirkadda “Energy Absolute“, Billionaire-ka la yiraahdo Somphote Ahunai ayaa khasaaray kalabar hantidiisa, kadib markii saamiga shirkadiisa uu si lama filaan ah hoos ugu dhacay.

Sida uu sheegay wargeyska “Bloomberg“, Ahunai  qoyskiisu waxay leeyhihiin 40% saamiga shirkadda oo xarunteeda dhexe ay ku taallo Bangkok, bil gudaheed ayuu ku khasaaray 1.6 billion oo hantidiisa ka mid ah.

Hoos u dhacan ayaa ah kii ugu ballaarnaa ee soo gaaray shirkadda oo qiimaheedu billion ka badan yahay, kana kooban 456 shirkadood oo yaryar.

Maalgashadayaasha qaar ayaa walwal ka muujinaya in xukuumadda Thailand aaney dan badan ka lahayn tamarta la cusbooneysiiyo, iyadoo laga cabsi qabo iney inta ay haysato ku kaaftoonto, suuqa ugu weyn ee shirkaddu ay leedahay ayaa ah xukuumadda Thailand.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close