TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

“Horey Uma Aadan Ogeyn”… 3 Xeeladood oo Qarsoon oo Farriimaha La Iskugu Diro WhatsApp

 

Wargeyska “The Sun” ee laga leeyahay gudaha dalka Ingiriiska ayaa daaha ka rogay saddex tallaabood oo aad saaxiibadaa kaga yaabin karto marka aad farriin ugu dirayso “WhatsApp”.

WhatsApp ayaa waxa uu leeyahay xeelado badan oo marba marka ka dambeysa lagu soo kordhiyo. Waxaan maanta idiin soo gudbineynaa xeelado aad ku bedeli karto muuqaalka farriimaha aad asxaabtaada la wadaageyso oo noqonay mid ka soo jiidasho badan sidii hore.

  1. Dhumucda Farta

Marka aad dooneyso inaad bedesho dhumucda farta oo aad dooneyso iney si wanaagsan umuuqato xidig dhex geli, tusaale ahaan; *Qoraalka aad dooneyso*.

  1. Far Leexsan

Marka aad dooneyso inaad farta ka dhigto italics, waxaad dhexgelinaysaa qoraalkaaga xarriiqin hoose “underscore”  _Qoraalkaaga_

  1. Qoraal Khaldan

Marka aad dooneyso inaad muujiso qoraal uu mugdi ku jirto oo khaldamay ama  aad dooneyso inaad ka dhigato strikethrough oo aad xariiq mariso, waxaad qoraalkaaga gelisaa calaamadda “tilde”, tusaale: ~Qoraalkaaga geli halkan~

FG: Wargeyska “The Sun” waxa uu kuu tilmaamayaa xeelad Afaraad habka aad farta u bedelan karto, haddii aad doonto waxaad kasii kororsan kartaa linkiga halkan hoose.

https://twitter.com/wa_nachrichten/status/981782879163203585

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close