WararkaWaxbarashada

Maxay Ka Mudaharaadeen Ardayda Iskuulka “Qaadi Maxamuud” Ee Magaalada Burco?

 

Ardayda wax ka dhigata dugsiga hoose, dhexe ee Qaadi Maxamuud ee ku yaalla xaafadda Aktoobar ee magaalada Burco ayaa mudaharaad  ka dhigay gudaha magaalada.

Ardaydan ayaa ka cabanayay maamulhii Iskuulka Khadar Cabdi Xasan oo shaqadii laga fariisiyay, waxey ardaydu ku doodaan inuu u dadaali jiray oo ay aad u jeclaayeen.

“Waxaa naloo dhiibay nin markii horeba culeys inagu hayay, angu doonimaynno, maamulahaygu waxa uu ahaa maamule karti leh, ficil leh oo waxqaban kara, waxaan dalbaneynaa si dhakhsiyo leh in nalooga bedelo ninka meesha naloogu dhiibay.”, waxaa sidaa yiri arday ka tirsan ardaydii mudaharaadka oo saxaafadda la hadashay.

Halkan hoose ka daawo, mudaharaadka oo ay ardaydu ku soo mareen waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada Burco

 

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close