CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Dulin Bakteeriyo Ah oo Aan Daawo Lahayn oo Ku Faafay Gudaha Dalka Mareykanka

 

Xarunta Xakameynta Cudurrada iyo Ka-hortaggooda ee “CDC” ee gudaha dalka Mareykan ayaa heshay 221-qof oo qaba cudur bakteeriya ah oo adkaysi u leh dhammaan noocyada kala duwan ee antibiotics-ka ah.

Xarunta ayaa warbixin ay soo saartay Talaadadii oo lagu faafiyay joornaalka “Vital Signs’, ku sheegtay in 10  qof ee la baaray 1 oo ka mid ah laga helay bakteeriyadan gudaha xarumaha caafimaadka Mareykanka.

Dr. Anne Schuchat oo ah ku xigeenka xarunta “CDC”, ayaa waxay tiri: “Labo milyan oo Mareykan ah ayaa sanadkii waxay qaadaan cudurrada Antibiotic-ka adkaysiga u leh, waxaa u dhinta 23-kun oo dadkaa ka tirsan sanadkii.”

Dulinka ayaa waxa uu leeyahay hiddo-side iskacaabin u leh Antibiotics-ka adkaysiga u leh dawada.

Sidaa darteed, xaruntan waxay ku talineysaa in baaritaan xoog leh lagu sameeyo dhammaan noolaha ilmaqabitada ah ee ku nool gudaha jirka dadka la aaminsan yahay iney cudurkan qabaan, si gaar ahna loola socdo dadka cudurkan qaba marka ay isbitaallo kale aadayaan, si loo xakameeyo looguna helo waddo lagu daweyn karo iney faaftana looga horistaago.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close