WararkaWaxbarashada

Ma Rumeysan Kartid.. Qalab Fikirkaaga Tarjumaya “Adigoon Hadlin”

Cilmi-baarayaal ayaa ku guuleystay iney soo saaraan qalab awooda inuu fikirka qofka akhriyo, waxa uu qofku soo jeedin karaa codsigiisa iyo dalabaadkiisa isagoon hadlin oo computer ayaa lagala soconaya.

Jariidada The Guadiana ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa qortay in qalabkan cusub oo la yiraahdo “AlterEgo“, uu yahay qalab uu qofku gashanayo, waxa uu qalabkani koobiyeynayaa erayada uu qofku iskula sheekaysto ee aanuu wax cod ah ku dhawaaqin.

Arnav Kapur oo ka mid ah dadkii qalabkan soo saarey ayaa waxa uu yiri: “Fikraddeennu waa inaan sameynno nidaam computer gudaha ah, oo garaadkeenna beegsanaya.”

Sameecadda dhaga gashiga ah ee hadlaysa ayaa lagu tilmaamaya mid smarts ah, waxa uu Arnav sheegay in qalabkan ay ku soo bandhigeen shirka teknoolajiyadda ee Tokyo.waana qalab sidii makarafoonka dhahaga oo kale loo sameeyay.

Sameecadda qalabka ku rakiban ayaa jirka la xiriiraysa waxay ka qaadaneysaa farriimaha dareemayaasha marka uu qofku fakarayo. Sameecaddan ayaa computer ku rakiban, iyadoo dalabka aad doonto uu computer-ku kuu gudbinayo adigoon hadlin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close