arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Madaxweyne Trump oo Timihiisu Ka Hiillinayaan! (Muuqaal)

 

Warbaahinta Mareykanka ayaa laga daawaday muuqaalka ilbiqsiyo madadaalo leh oo ku saabsan timaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo bidaya xilli uu ku sii jeeday gobolka Virginia ee galbeedka dalkaas.

Dabayl xooggan oo dhacaysay darteed ayaa timihii madaxweynuhu ka bideen, oo dhanka wejiga iskugu soo uruureen.

Xilli sii horreysay ayaa madaxweynuhu uu ka hadlay timihiisa oo la isku haysto iney buruko yihiin iyo in kale, mar ay sidan oo kale uba bideen, isagoo si jeesjees ah uga jawaabay arrintaas. Laakiin dhacdadan ayaa noqotay hadalhaynta dadka ee baraha bulshada.

Madaxweyne Trump oo 71-jir ah ayaa ku sii jaaday gobolka Virginia si uu uga qaybgalo shir looga hadlayo canshuuraha oo halkaa ka furmaya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close