CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Sidee Afka Looga Suuliyaa Urta Ka Dhalata Cunista Toonta iyo Basasha?

 

Basasha iyo toontu waxay raashinka ku soo kordhiyaan dhadhan wanaagsan, ku darso waxay leeyihiin faa’iidooyin kala duwan oo caafimaad, laakiin cunistooda waxaa ka dhasha afka oo qofka soo ura.

Toonta iyo basasha waxaa ku jira labada maaddo ee alicine iyo ethylene-methyl oo iyagu dhaliya urta marka meel hawo furan ah uu istaago qofka soo cunay toon ama basal, waa marka wixii la cunay ay gaaraan xidada dhiigga, urtaa ayaa waxay kasoo baxaysaa sambabaha oo dibadda jirka ayay soo aadaysaa.

Khubarada ayaa waxay adkaynayaa in urta afka  ee ay sababaan basasha iyo toonta aaney noqon karin sabab uu qofku kaga fogaado oo uu ku seego faa’iidooyinkooda waaweyn ee caafimaad, gaar ahaan, haddii ay suurtagasho in si wanaagsan loola dhaqamo.

Si urtaa meesha looga saaro, qofku waa inuu cabo Labo koob oo biyo ah, waa waddo aad u wanaagsan oo haraadiga toonta iyo basasha looga tirtiri karo carrabka, isla markaana dhiirigelin u ah in carrabku uu soo saaro candhuuf iyaduna kaalinteeda ka ciyaaraysa si bakteeriyada afka urka keenta meesha looga saaro.

Khubaradu waxay sidoo kale ku talinayaan in koob caano ah la cabo si lagu yareeyo lakabyada sulfur ka ah ee af-urka dhaliya.

Halka khubaradu ay ku tilmaameen waddooyinka dhaqmeedka caanka ah ee lagula dagaalamo urta afka ay ka mid yihiin, kamsar-caleenta, aansalaatada, bagalka, ay yihiin waddoonyinka caafimaad ee urtaa lagula dagaalamo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close