arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Waxaan u Qaatay In Gabadhaydu Ay Dhimatay”… Gabar Geesiyad ah oo Sawir Selfie ah Iska Qaadday Kadib Markii Ay Shabeel La Dagaallantay

 

Gabar dhalinyaro ah ayaa waxay iska qaadday sawir “Selfie” ah  si ay u muujiso dhaawaca argagaxa leh ee soo gaaray kadib markii ay la dagaalantay shabeel iyadoo ul kaliya adeegsaneysa.

Rupali Meshram ayaa waxay maqashay buuqa arigooda oo markii ay xerada soo gaartay ayaa waxay aragtay ri’ la cunay oo meel ku rafaneysa.

Sida ay qortay Jariidada “Mirror iyadoo xeradii araga ku jirta ayaa shabeel gadaasheeda kasoo weeraray, waxay isku difaacday ul ay dhulka ka heshay.

Waxaa hurdada kasoo kacday hooyadeed oo qaylada ku soo baraarugtay, si ay gabadheeda garab u siiso, nasiib-wanaag, waxaa u suurtaggashay iney ka baxsadaan, laakiin dhaawacyo waaweyn ayaa kasoo gaaray wejiga iyo qoorta.

Rupali oo 23-jir ah ayaa waxay ku nooshahay deegaanka Bhandara oo ka tirsan gobolka Mahrashtra ee gudaha India, ayadoo dhacdada ka sheekaynaysa ayaa waxay tiri: “Waxaan maqlay arigii oo qaylinaya xilli uu habeenku ahaa kala bar, waxaan doonay inaan soo hubiyo, waxaan arkay iyadoo shabeelku uu mid ka mid ah cunay.”

Markii Meshram hooyadeed ay usoo gurmatay ayaa iyadana uu shabeelku soo weeraray, laakiin waxaa u suurtaggashay iney ka baxsadaan isla markiiba dhakhtar ayay teleefoon kula hadleen, kadibna isbitaalka ayaa loo qaaday.

Hooyadu waxay tiri: “Waxaan maleeyay iney gabadhaydu dhimatay.”

https://twitter.com/AdamCarriker94/status/981939684912893953

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close