CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

5-Faaiido oo Aadan Maleysan Karin oo Laga Helo Shukulaatada

Warbixin caafimaad oo soo baxday ayaa lagu sheegay in dadka shukulaatada cunaa ay ka helaan faa’iidooyin farabadan oo caafimaad oo aan la qiyaasi karin.

Warbixintan oo ay faafisay jariidada Daily Mail ee kasoo baxda UK, ayaa lagu soo bandhigay 5 faa’iido caafimaad ah oo laga helo shukulaataada madow ee loo yaqanno (dark chocolate), waa tan ugu wanaagsan noocyada kala duwan ee shukulaatada.

Khubarada cuntada ayaa waxay leeyihiin 30g oo shukulaatada madow ah oo maalintii la cuno waxaa laga helaa faa’iidooyinka caafimaad ee aan la qiyaasi karin.

5 faa’iido caafimaad ah oo shukulaatada laga helo:

  1. Jirka ayay iftiimisaa.

Daraasaadka la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shukulaatada tiqda ah ee madow ay haragga sare faa’iidooyin kala duwan u leedahay, waxaa lagu daraa cocoa oo laga helo maadada flavon oo ah maaddo ka qaybqaadata in haraggu dabco, muuqaalka qofkuna u ekaado mid dhalinyo ah.

  1. Waxaa laga helaa macdan farabadan

Haddii aad cunto 100g oo shukulaata ah maalintii waxay kaaga filan tahay 67% birta uu jirku u baahan yahay. Sidaas oo kale waxaa laga helaa macdanta laga maarnaanka u ah nidaaminta cadaadiska dhiigga.

  1. Caqilga & awoodda fikirka ayay xoojisaa

Daraasaadka la sameeyay waxaa laga ogaaday in shukulaatadu ay dareenka guud ee qofka hagaajiso, sidaas oo kale waxaa laga helaa maaddooyin xoojiya shaqada maskaxda iyo fikirka.

  1. Wadnaha ayay u roon tahay

Cilmi-baarisyo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shukulaatada madow ay ilaaliso xididada dhiigga, waxay ka dhigtay kuwo caafimaad ah si aadan maleysan karin, arrintaas oo dhinaceeda keenaysa in caafimaadka wadnuhuna uu hagaago.

  1. Waxay yareysaa khatarta istaroogga

Daraasaad caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cocoa-ga uu hoos u dhigo heerka kolesteroolka xun ee jirka, duxda wanaagsan ayuu kor u qaadaa, arrintaas oo ka dhigan in khatarta istarooggu yaraaneyso, daraasaadka qaar ayaa tilmaamaya in shukulaatadu ay hoos u dhigto khatarta istaroogga 17%.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close