WararkaWaxbarashada
Bernard Arnault oo Noqday Ninka Ugu Taajirsan Yurub!

Wakaaladda Bloomberg ayaa sheegtay in madaxa shirkadda “Louis Vuitton Moet Hennessy” oo la yiraahdo Bernard Arnault uu galay kaalinta Afaad Liiska dadka ugu taajirsan adduunka, sidaasna waxa uu ku noqday qofka ugu taajirsan Yurub.
Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in Arnault oo hantidiisu gaareyso 70.7 bilyan oo dolar uu ka hanti batay aasaasaha iyo madaxii hore ee shirkadda “Inditex“, Amancio Ortega.
Waxay farta ku fiiqday wakaaladdu in Saddexda taajir ee ka horreyaa ay kala yihiin, aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos oo ah ninka koowaad ee ugu taajirsan adduunka, Aasaasaaha shirkadda Microsoft Bill Gates oo ah ninka labaad iyo ganacsadaha Mareykanka ah ee la yiraahdo Warren Buffett.
Shirkadda “Louis Vuitton Moet Hennessy” ayaa la aasaasay sanadkii 1854-kii, waxay si gaar ah u soo saartaa badeecooyinka qaaliga ah, boorsooyinka & dharka faashiyoonka ah, dahabka iyo dheemanka ay dumarku ku labistaan.
Richest European Now Worth $70 Billion https://t.co/DmyokHOAUd via @business But don't be too excited by this..he will be reset at zero when he dies..same for everyone. $MC
— Mark Giorgi (@MarkGio1) April 6, 2018
Maanadeeq FM