WacyigelinWararkaWaxbarashada

Gamaanyo Ma Dareentaa Xilliyada Shirarka iyo Xiisadaha Jaamacadda… 5-talo oo Ku Aaddan Sidii aad Uga Adkaan Lahayd

Hurdada gamaanyada ah ee soo waajahda dadka qaar xilliga shirarka iyo muxadaaraadka Jaamacadaha, maxay tahay sababteeda? sidee looga adkaan karaa?

Jariidada The Independent ee kasoo baxda dalka Ingiriiska oo wareysi gaar ah la yeelatay  Dr Neil Stanley oo ah la-taliye sare oo dhanka caafimaad hurdada ah ayaa sheegay; awoodda ah inuu qof seexdo xilliyada shirarka ay la xiriirto dareenka ammaan iyo xasillooni gudaha ah oo uu qofku dareemayo, waana arrinta ka dhigaysay in hoolka shirarka iyo xiisadda inuu seexdo.

Christine Hansen oo iyaduna ah khabiir dhanka caafimaadka hurdada ah ayaa dhankeeda sheegtay in sababta hurdada noocaas oo kale ah dhalisa aaney xiriir la-lahayn dhafar ama daal uu qofku dareemayo oo kaliya, laakiin ay suuraggal tahay in uu jirku la qabsado oo uu qofku naftiisa baro.

Maskaxda ayaa xilligaa waxa ay jaraysaa xiriirka ay la lahayd wax kasta oo ku hareeraysan, si ay mar Labaad  u hesho firfircooni.

Talooyin si aad Gamaanyada uga adkaato

  1. Yaree inta aad hor fadhido shaadda telefishinka, taleefoonka iyo computer-ka.
  2. Waxaa lagama maarmaan ah inaad seexato hurdo kugu filan oo aan ka yareyn 7-saacadood maalintii.
  3. Caadadaada cuntada si hoose u eeg, ka fagow hilibka cas xilliga shaqada.
  4. Xanjo isticmaal xilliga aad gamaanyada dareento, halka khubaradu ay ogaadeen in 15-daqiiqo oo xanjo la ruugo ah ay ku filan tahay in maskaxdu ay si wanaagsan u baraarugto.
  5. Biyo badan cab, waxaa laga yaabaa sababaha uu jirkaaga hurdada u rabaa iney tahay inuu qalleyl dareemayo, biyuhu waxa ay jirka siiyaan dareen firfircooni leh iyo baraarug joogta ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close