WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Sucuudiga oo Si aad ah Loogu Dhaliilay Baraha-bulshada

 

Wasiirka Waxbarashada Sucuudiga Dr. Axmed Ciisa ayaa si aad ah loogu dhaliilay dhanka Baraha-bulshada, kadib markii khaldaadkiisa qoraalka ay bateen, taas oo ka dhigtay mid lagu jeesjeeso.

Macallin Sucuudiyaan ah oo la yiraahdo Cabdi al-Khaaliq al-Zahraani ayaa khaladaad luqadeed kasoo saaray farrriin uu Wasiirku ku soo qoray bartiisa Twitter-ka oo dood badan dhalisay, macallinku sidii imtixaan oo kale ayuu qoraalkiisa u saxay, waxa aanuu siiyay wasiirka 3/10.

Dr. Ciisa ayaa Jimcihii farriin ku daabacay bartiisa Twitter-ka oo uu kaga hadlayay kaalinta Dhaxal-sugaha Koowaad ee Sucuudiga “Maxamed Bin Salman” uu kaga jiro horumarinta Waxbarashada Sucuudiga, waxa uu tilmaamay in Waxbarashada Sucuudiga ay ku socoto iney ka mid noqoto Waxbarashada ugu wanaagsan adduunka.

Wasiirka ayaa si aad ah loogu dhaliilay Baraha-bulshada, iyadoo dadka qaar ay tilmaamayeen inaaney wasiirka ku habbooneyn in khaladaad noocaas oo kale ah oo dhanka qoraalka ah uu ku dhaco.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close