WararkaWaxbarashada

Daraasad: Guulaha Isdabajoogga ah ee Ay Gaarto Kooxda Aad Taageerto Caafimaadkaaga Uma Wanaagsana!

Daraasad caafimaad oo cusub ayaa daaha-ka-rogtay sidii hore loo aaminsanaa si ka duwan, in kooxdaadu ay gaarto guulo isdabajoog ah waxay kordhisaa khatarta ah inaad wadna xanuun(Heart Attack) qaaddo.

Sida ay qortay jariidada The Telegraph ee UK kasoo baxda, khatartu waxay aad ugu badan tahay ragga da’doodu ka yartahay 55-jirka.

Cilmi-baarayaasha ayaa waxay isgarabsadeen mac’hadka kooxda Montreal Heart Institute, Montreal oo ah koox aad u facweyn oo ka mid ah kooxaha sports-ka Waqooyiga Mareykanka,  taageerayaashooduna ay aad u xamaasad badan yihiin, waxaa la baaray xogta bukaanka qaba caabuqa wadnaha, maalinta xigta ciyaarta kooxda ay guulaysato.

Cilmi-baarayaashu waxay arkeen marka qofka da’diisu ka yartahay 55-jir, xaaladaha ah inuu ku dhogo Heart Attack wadno xanuunka, aad ayay u kororta in ku dhow 40%, waana si ka duwan ciyaaraha ay kooxdu guuldarreysato.

Cilmi-baarayaasha uma aaney suuraggalin iney sababta ogaadaan, waxaa horey loo aaminsanaa in guuluhu ay keenaan farxad dheeri ah oo caafimaadka wadnaha u wanaagsan.

Daraasaad hore oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in marka uu dareenka qofku kacsan yahay uu u nuglaado cudurrada wadnaha, waana arrinta ay daraasaddani adkaynayso, qofka kooxdiisu ay guuleysato ay xamaasaddiisu kacayso si ka badan marka guuldarro ay soo gaarto kooxda uu taageero.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close