WararkaWaxbarashada

Khubaro: Jacaylka Internet-ka oo Noqda Mid Hubanti ah Si Ka Badan Ra’yigii Horey Looga Aaaminsanaa

Waxaa suuraggal ah in jacayl aad ka hesho Instagram-ka, guurna aad ku gasho Skype-ka, furriinkana waxaa kugu filan inaad bedesho xaaladaada Baraha-bulshada. Xirii dadbadan ee dunida internet-ka ma mid xaqiiqo ah ayuu noqonayaa?

Khubaradu waxay leeyihiin dadku Jacayl dhab ah ayay ka helaan Internet-ka, waa dareen mid dhab ah isku bedela inta badan, xiriirku marka u sii ballaarto wuu sii xoogeystaa illaa uu mid la taaban karo ka noqdo.

Caalimka la yiraahdo Joseph Walter oo ka tirsan Jaamacadda Michigan oo daraasaado kala duwan ka sameeyay xiriirka dhanka Internet-ka ah: “Internet-ka waa goob ku habboon dareenka Jacaylka ee dhabta ah, waxa xiisaha u yeelaya ayaa ah macluumaadka yar ee naga soo gaaraya dadka aan la sheekaysanayo”. Markaa qof kastaaba sheekada ka dhiman qof kale dareenkiisa ayuu ka dhameystirtaa isagoo wax wanaagsan sawiranaya, arrintaas oo dareenka Jacaylka sii kobcineysa oo qofka jawi kale oo sida naftiisu nabto galineya.

Catalina Thomas oo ah professor isgaarsiinta ka dhigtay Jaamacadda Wisconsin kuna takhasustay istiraatiijiyadda habka looga dhowrsado khiyaanada farriimaha internet-ka ayaa tiri: “Internet-ka waxaa laga helaa fursado lagu abuuro miraha Jacaylka dareen adagna loogu bedeli karo.”. waxay farta ku fiiqday in wada-sheekaysiga online-ka ah uu shabaho waxa ka dhacaya nolosha xaqiiqada ah, waqtigu xilli uu dhammaaday ma dareemaysid, ayay tiri.

Waxay hadalkeeda sii raacisay: “Internet-ka waxaa kuu suuraggal ah in qofka aad la sheekaysanayso aad ka qariso waxa aad doonto, wixii aad rabtana la wadaagi karto.”

Inta badan dadka internet-ka ku sheekaysta waxay isku gudbiyaa waxwalba oo ay isku iibin karaan, waana arrinta keenaysa in dadka Internet-ka ka sheekaystaa ay isku soo dhawaadaan wadahadal kasta oo ay yeeshaan.

Xiriirku marka uu sii ballaarto waxa uu gaara heer dhinac kastaaba uu codsado inuu dhinaca kale codkiisa maqlo ama muuqaalkiisa uu arko, marka muuqaallo la isku diro ama sawirro la wadaago waxaa suuraggal ah in Jacaylku uu kobco ama uu halkaa ku burburo, taasina waxay ku xiran tahay hadba sida ay isku waafaqaan sawirka guud ee uu qofku haysto iyo waxa uu kala kulmo qofka ay mudada wada socdeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close