arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Mihnadda “Timo-jaraha Dareemka” oo Caan Ka Ah Gudaha Dalka Masar!

Timo-jarista dameerka ee gobolka Bani-Suwayf ee Gudaha Dalka Masar ayaa ah mihnad xirfadlayaasheeda leh oo aad u facweyn.

Dadka dameerrada dhaqda ee beeraaleyd ah ayaa waxay timaha ka jaraan dameerradooda si ay uga ilaaliyaan cudurro badan oo dufta ugu soo hoos dhuunta. halka shaqadani ay tahay mid qiimaheedu go’an yahay oo 30-gini($1.7) oo kaliya loogu jaro dameerkii.

Mudada dameerkii kaliya loogu jaro waxay gaareysaa 10-daqiiqo, Timo-jare Axmed Saqluul oo la hadlay wargeyska “Almasryalyoum” ayaa sheegay in mihnaddiisu aaney ku koobneyn deegaankiisa oo qura ee deegaannada kale ee ku hareeraysan laga soo dalbado.

Oday Axmed waxa uu ka hadlay mihnadda mudada uu ku soo jiray iyo iney noocyo kala duwan ugu jaraan dameerada, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa:

“Mihnaddan waxaan ku tiirsanaa laga soo bilaabo yaraantaydii, waxaan sameyn jiray jarmooyin kala duwan, mararka qaar astaan goonni ah ayaan ku sawiraa dameerka inta u dhaxaysa labadiisa indhood, hadda iskusi ayaan dameerrada oo dhan ugu jarnaa oo maqaskii waxaa noo bedelay makiinad aan si isku mid ah uugu jarno.”

Waxa uu tilmaamay in mihnaddiisa tima-jarista dameerka ay gabaabsi sii tahay, gaar ahaan ceebta ay yeelatay darteed oo caruurtu marka ay Jaamiciyiin noqdaan ay ka faanayaan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close