WararkaWaxbarashada

Sanooyin Badan Ma Qaadato… “Saaxiibbo Rumaad” Waxaa Lagu Noqdaa Mudadan

 

Daraasad dhawaan la sameeyay oo ay hormuud ka ahayd Jaamacadda Kansas State University, ayaa daaha-ka-rogtay xiriirka saaxiibtinimo uu sameysmo marka la wada qaato waqti 80 ilaa 100 saacadood ah si wadajirka.

Sida ay qortay Jariidada “Daily Mail“,  si lagu dhiso xiriirka saaxiibtinimo waxaa loo baahan yahay in u dhiganta Afar cisho in la wadajoogo, markaa kadib waxaa sameysma xiriirka saaxiibtinimo ee la isku sir qarsado.

Daraasad la sameeyay sanadkii 2016 ayaa daaha-ka-rogtay 3/4 dadka Mareykanka ay dareemaan kalinimo, waa arrinta ku kordhineysa khatar cudurka Alzheimer iyo geerida xilliga hore ee cimirdegdegga ah.

Sida lagu sheegay daraasadda Jaamacadda Kansas ee dalka Mareykanka, waqtiga ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee saaxiibtinimadu ku sameysmaan.

Cilmi-baarayaashu waxay la socdeen xaaladda 500 qof oo si gaar ah loo eegayay habka ay saaxiibtinimada u sameeyaan.

Daraasad hore ayaa muujinaysa in xiriirka saaxiibtinimo ee wanaagsan uu hagaajiyo caafimaadka iyo sareedada qofka, ku darso dareenka kalinimada ah waxa uu kor u qaaddaa khatarta ah inuu qofka ku dhaco cimridegdegga.

Cilmi-baarayaasha waxay ogaadeen xiriirka saaxiibtinimada ah ay ku tiirsan tahay xilliga la wadaqaato oo ay dadka saaxiibbada ah wadajoogaan.

50-saacadood kadib, dadku waxay ahaayeen -dadkii daraasadani ay saameysay- kuwo u furfurnaadaan oo ay u sir baxaan, waxayna ku tilmaameen dadkaasi ay mudadaa wadajoogaan kuwo “saaxiibbo la ah”.

Si loo gaaro xiriir saaxiibtinimo oo dhab ah waxay u baahdeen 140-saacadood oo wadajir loo qaato.

Maandeeq FM

Related Articles

Close