CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Dhakhaatiir: Ilkaha oo La Nadiifiyo Cunnada Kadib Waa Caado Khatarteeda Leh!

In badan oo inaga mid ah waxay aaminsan yihiin iney lagama maarmaan tahay ilkaha in la nadiifiyo cunnada kadib, si caafimaadka ilkaha loo ilaaliyo urtana looga dhowro, laakiin daraasad cilmiyeed dhawaan la sameeyay ayaa muujineysa khatarta ay caadadaasi leedahay.

Mashruuc cilmiyeed ay hormuud ka ahaayeen khubarada akaadeemiyada Ilkaha Mareykanka American Academy of Cosmetic Dentistry (AACD), ayaa laga gaaray natiijo ah in ilkaha la nadiifiyo cunnada kadib muddo ka yar 30-daqiiqo ay tahay caado khatar ah, waxay si degdeg ah u baabi’isaa “Enamel” ilkaha oo ah halka ay ka xooggan yihiin ee dheeha sare ah.

Khubaradu waxay caddeeyeen in ilkaha oo la nadiifiyo marka la cuno raashin acids leh, [ sida; liin dhanaata oo kale], uu ka khatar badan, waxaa sii lumaya dheeha “Enamel”, maxaa yeelay; burushka ilkaha lagu cadayo waxa uu awoodaa in haraadiga raashinka uu ilkaha ka suuliyo, waxaana uu dhaawici karaa dheehooda sare, waa marka ilkaha lagu cadayo cunnada kadib.

Dr. Howard oo ah madaxa akaadeemiyada Ilkaha ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu yiri: “Dad badani waxay ka baqaan bakteeriyada ilkaha, waxayna aaminsan yihiin iney lagama maarmaan tahay in la suuliyo fursad kasta oo ku habboon. Laakiin Enamel-ilkaha ee dheeha sare ayaa awooda inuu ilkaha bakteeriyada dibadda ah ka ilaaliyo. Sidaa oo kale habka uu u sameysan yahay burushka waxa uu burburiyaa dheeha Enamel-ka, kadibna waxa uu keena in bakeeriyadii ay gudaha u gasho iligga, taas oo uga khatar badan billions bakteeriyo ah oo iligga dushiisa sare saran.”

Sida ay khubaradu ku talinayaan, haddii ay lagama maarmaan tahay inaan ilkaha nadiifiso cunnada kadib ugu yaraan sug muddo 30-daqiiqo ah, si aad khatarta uga dhowrsato.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close