WacyigelinWararkaWaxbarashada

Saddex Go’aan oo Khaldan oo Si Maalinle Ah U Qaadanno.. Xitaa “Dadkeenna Ugu Caqliga Badan”

 

Maalinteenna inta badan waxay ku dhisan tahay go’aanno sax ah iyo kuwo khalad noqon kara, dhanka shaqada ha noqoto ama dhanka qoyska, xitaa dadka caqliga badan waxay ku dhacaan go’aanno khaldan oo tiro badan.

Hadaba, sida lagu daabacay website “Businessinsider“, waxaan idiin soo gudbineynaa Saddexda go’aan ee sida maalinlaha ah aan u qaadanno inagoo aan ku baraarugsaneyn iney yihiin go’aanno khaladan, waxaanana idiinka soo dhex xulney ilaa 12 go’aan khaldan oo wargeysku si faahfaahsan uga hadlay:

  1. Shaqada Sahlan oo La Hormariyo

Cilmi-baarayaashu waxay leeyihiin awoodda garaadka hoos ayay u dhacdaa waqtiba waqtiga uu kasii dambeeyo, sidaa darteed waxaa habboon, inaad qabato shaqooyinka culus ee fikirka iyo baraarugga dheeraadka ah u baahan.

  1. Howlo farabadan oo la isku dhex furo

Cilmi-baarayaashu waxay leeyihiin shaqooyinka oo la is-dhexgeliyo, tusaale ahaa; baaritaan uu qofku waday oo uu dhexgeliyo inuu yara eego G-mail-kiisa, ingoo inta badan ay aaminsan yihiin in howlo badan ay mar kaliya noo wada qabsoomayaan, laakiin xaqiiqada ayaa ah in shaqooyin badan oo aad isku barbar furto ay wax-soosaarkaaga yareynayso.

  1. Adeegsiga Mobile-ka

Waxaa la ogyahay adeegsiga mobile-ka uu baraarugaaga kala iyo focusing shaqada uu kaa kala dhantaalmayo, kuma filna inaad codka ka xirato amaba gebi ahaanba aad iska xirato.

Daraasad lagu faafiyay joornaalka “Association for Consumer Research”, ayaa waxaa laga gaaray natiijo ah in uu mobile kuu dhowyahay uu saameyn ku yeelanayo howlgudashada garaadka, sidaa darteed daraasaddu waxay ku talinaysaa in mobile-ka qol kale looga soo tago oo goobta shaqada aan lala imaan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close